Quantcast
Channel: admin
Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

Villa Somalia oo saaka ku waabariisatey Dagaal Siyaasaded oo u dhexeeya Xafiisyada Madaxweynaha iyo Raysal wasaaraha

$
0
0

Xilka qaadistii Wasiirkii Cadaalada Faarax Cabdulqaadir ee Raysal wasaaruhu sameeyey ayaa Qarax siyaasadeed ka qarxiyey Villa Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan Sheikh ayaa Xalay warsaxaafadeed ku sheegey inuusan aqbalayn go’aanka uu Raysal wasaaruhu iskushaandheynta ugu sameeyey qaar ka mid ah Wasiirada, Madaxweynuhu wuxuu qoraalkiisa raacshey inuu raysal wasaaruhu hareer maray Dastuurka.

Raysal wasaare Cabdiwali wali lagama hayo jawaab ku aadaan eedeynta Madaxweynaha.

Shaqaalaha labada Xafiis ayaa saaka usoo kalahay xafiisyada iyadoo labada dhinac ay ka muuqato isu tafa xaydad Dagaal siyaasadeed, waxaa gabi ahaan xiran xiriirkii Xafiiska Raysal wasaaraha iyo kan Madaxweynaha, Ciidamada Amisom waxay adkeeyeen Amaanka Raysal wasaaraha iyadoon lagaraneyn sababta sare loogu qaadey Maanka Raysal wasaaraha iyo Xafiiskiisa.

Warar aad ugu dhow Xafiiska Raysal wasaaraha oo Puntlandi ay heleen ayaa sheegaya in Raysal wasaaruhu uu ku adkeystey Isku shaandheyntii uu ku sameeyey Qaar ka mid ah Golihiisa Wasiirada, Wararka kale ee saaka Puntlandi heleen waxay sheegayas in Raysal wasaaruhu wadatashi ugu yeerey Wasiirada ay aadka isugu dhowyihiin oo ay kamid yihiin Wasiirka Gaashandhiga, Kan Warfaahinta iyo kan Amniga Qaranka.
Wixii soo kordha kala soco

Puntlandi.com
PUNTLANDI.COM

MUQDISHO


Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

Trending Articles