Quantcast
Channel: admin
Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

Gudiga Jaaliyada Puntland ee Aarhus Denmark oo dhawaan la doortey ayaa iska dhexdoortey xubnaha fulinta oo kala ah..

$
0
0


Jaaliyada DKJaaliyada Puntland ee Magaalada Aarhus Dalka Denmark ayaa bartamihii bishaan waxay doorteen 11 xubnood oo noqon doona Gudiga Jaaliyada loo dhan yahay oo matali doona Jaaliyada Puntland ee Magaalada Aarhus iyo Nawaaxigeeda.

Gudiga oo kulankoodii ugu horeeyey isugu yimid caawa 23.10.2014 ayaa iska dhex doortey Xubnaha fulinta Gudiga Jaaliyada.

Waxayna doorteen , Gudoomiye, Ku xigeen, Xogheyn, Afhayeenka Jaaliyada, Qaybta Dhaqaalaha iyo Xisaabaaadkana waxaa loo doortey Sadex Xubnood oo dumar ah.

Gudoomiyaha Jaaliyada Puntlsnd waxaa loo doortey Saciid Daahir Dhimbil halka ku xigeenkiisana loo doortey Daarood Ismaaciil, Afhayeenka Jaaliyada waa Maxamed Sawaaxili.

Kulanka ay isugu yimaadeen Gudiga Jaaliyadu waxay isku dhaarsadeen iney ka shaqayn doonaan midnimada Jaaliyada, Qofwalba oo Reer Puntland ahna ay Diiwaan galin doonaan ayna kasoo bixi doonaan Shaqada loo doortey.
2014-10-23 17.41.03
Saciid Daahir Dhimbil
Gudoomiyaha Cusub ee Jaaliyada Puntland ee Aarhus Denmark

Daarood
Daarood Ismaaciil
Gudoomiye ku Xigeenka cusub eeJaaliyada Puntland Aarhus-Denmark
Jaaliyada


Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

Trending Articles