Quantcast
Channel: admin
Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

Breaking News— Wadahadalka u socda PL iyo DF oo guul ku dhamaadey, Warmurtiyeedkii la saxiixi lahaa oo hada ladiyaarinayo

$
0
0

breaking nesSida ay Howlwadeenada Puntlandi xog hoose ku heleen waxaa guul laga gaarey Wadahadalka Garowe uga socda Dowlada Puntland iyo Dowlada Federaalka.

Labada Gudi ee Wadahadlayay waxay si buuxda ugawada doodeen una dhiraandhiriyeen qodobadii miiska usaaraa kuwasoo dood dheer kadib ay labada gudi isla fahmeen islana meeldhigeen.

Waxaa hada gacanta lagu hayaa sidii loo qori lahaa warmurtiyeedka beri oo isniin ah lasoo bandhigi doono kasoo ay saxiixiisa goobjoog iyo markhaati ka ahaan doonaan Beesha Caalamka oo isla beri imaandoona Garowe.

Sida ay Puntlandi xogta ku heleen Qodobada la isla meel dhigey qaarkood waxaa markii hore lagasoo maray dood dheer iyo isfahan la’aan kasoo dhaliyey in gudigii kasocdey Dowlada Federaalku ay wadatashi ugu noqdeen Raysal wasaare Cabdiwali, Wadatashigaas kadib ayay labadii gudi qalinka kuwada duugeen qodobadaas lagu muransanaa.

Iskusoo duuboo Wadahadalku wuxuu ku dhamaadey guul, Waxaana lawada saxiixayaa beri oo Isniin ah 13 Okt.

Waxaa Saxiixa markhaati ka noqonaya beri oo Isniin 13 okt. 2014 Garowe na imaanaya Ergayga Qaramada Midoobay u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya Nicholas Kay, Danjiraha Soomaaliya u qaabilsan IGAD Maxamed Cabdi Afay iyo Saraakiil ka socota Midowga Yurub.

Wixii soo kordha iyo xanta aan helno oo lasoo dhiraandhiriyey kala soco Puntlandi


Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

Trending Articles