Kulanka Golaha Qaramada Midoobey ee shalay ka furmay Xarunta Qaramada Midoobey ee New York ayaa ku bilowdey khudbado ay jeediyeen hogaaniyayaasha Wadamada qaarkood, Madaxweyne Barack Obama oo khudbad ka jeediyey Shirka ayaa nuxurka khudbadiisu ahay oo uu yiri ” Hanalaka caawiyo la dagaalanka kooxda Islamic State”.
Shalay galabnimadii ayaa hool ka mid ah hoolasha Xarunta Qaramada midoobey ayaa lagu qabtey shir gaaban oo gaara kasoo looga hadlayay Arimaha Soomaaliya waxaana ka qayb galay Xog’hayaha Guud ee Qaramada midoobey Ban Ki Moon, Madaxweyne Xasan Sheikh, Wakiilka Qaramada midoobey u qaabilsan Soomaaliya Nickolos Kay, iyo Madaxda Wadamada AMISOM.
Shirka ayaa lagu falanqeeyey sidii dhaqaale dheeraada loogu raadin lahaa Ciidanka Amisom.
Waxaana la isku raacey in Madaxweyne Xasan Sheikh uu wadamada Deeq bixiyaasha usoo bandhigo baahida Soomaaliya u qabto Ciidanka Amisom iyo in la kordhiyo dhaqaalaha ku baxa si guulo fiican looga gaaro la dagaalanka Al-shabaab.