Quantcast
Channel: admin
Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

Fadeexad– Kooxdii Federaaldiidka Xasan Sheikh oo beri shir ku qabsanaya Garowe, kasoo reer Puntland ku barayaan naceybka Federaalka, Cajiib tolow dawlada ma ogtahay !!!

$
0
0

Kooxda Federaaldiidka Xasan Sheikh iyo Cabdiraxmaan Ceynte oo aan ka wada dharagsanahay shaqsiga uu yahay ayaa beri Hotel New Rays ee Magaalada Garowe waxay ku qabanayaan Shir federaalka looga hadlayo.

Kooxdaan federaal diid kaliya ma ahan ee waa Hawiye Action Gruppe xitaa.

Waxaa kaloo fadeexad qaawan ah in shirkaas oo ujeedooyin kale ku hoos jiraan uu maanta ka dhaco Gobolada Puntland.

Hoos ka akhriso Qoraal ku saabsan kooxdaan beri dooneysa iney Reer Puntland u akhriyaan Federaalka.

caynteEconomist1-330x293Ninka noocan ah oo qabiilku madax maray  noloshana  u diidan Puntland, yaa doonaya in uu Garoowe ku casumo?.

Ninka Culusoow la taliya,Aabihiis Waa Madaxdii Maxaakiimta, Oday dhaqameed waxaa u ah Xaad,ina adeerkiis waa Afhayeenka Alshabaab Cali Dheere .

Cabdi Caynte waxa uu ka soo jeeda Beesha Hawiye, Murursade. Aabihiis waa Yuusuf Cali Cayne wuxuu ka mid ahaa golihii sare ee Maxaakiimta,  sanadkii  2007, aabihiis wuxuu ka mid ahaa  Guddiga dhexe ee golaha Fulinta (ARS), sanadkii 2009 wuxuu kaloo  ka mid ahaa  shantii Boqol  oo inqilaabay dawladii  Cabdulaahi Yuusuf heshiiskii Jabuuti. Yuusuf Cali Caynte  wuxuu xildhibaanimadiisii  waayey 2-sano ka hor  markii saxiibkiis Shraiif Axmed laga adkaaday.

Yuusuf Cali Caynte Maanta wuxuu hogaamiyaa urur xag jir ah (Majma Cuimadda Islaamka ee Soomaaliya), ka dib markii bishii sagaalaad ee sanadkii hore  uu dhintay hogaamiyihii hore ee ururkas  Allah ha u naxariistee Ahmed Abdi Diisow,

Yuusuf Cali caynte lacag ay dawlada Qadar siisay ayuu ugu furay wiilkiisa Urur u ololeeya Danta Beesha Hawiye.

Hundreds of Somali Islamic scholars today [21 March] held a large gathering in Mogadishu to elect a new chairman of the Assembly of Muslim Scholars of Somalia to replace his predecessor who died recently. The meeting participants elected Shaykh Yusuf Ali Aynte.

Cabdiraxaan Yuusuf Caynte oo ah Madaxa hay’ad ama machad (Think-Tank)oo loogu magacdaray (the Heritage Institute for Policy Studies (HIPS) oo ah urur u ololeeaya danta Beesha Hawiye ayaa sheegay in ay madaxweyne Culusoow la taliyeen. hadaba maxay kula taliyeen.

Warbixinta jaraa’idka The Economista todobaadkan ka qortay Soomaaliya ayaa waxaa looga hadlay awood- yarida dowlada Soomaaliya ee uu hogaamiyo Madaxweyne Xassan Culusow iyo waliba sida ay qabaa’iilka Soomaaliyeed isha ugu hayaan bal inuu fulin doono hirgelinta nidaamkii Federaalka ee horey loogu heshiiyey.

Matt Bryden oo isagu kamid ah xubnaha jaraa’idka wareysiga siiyey ayaa sheegay in dowlada Federaalka aysan weli hirgelin dhamaan arrimihii muhiimka ahaa ee nidaamka Federaalka, wuxuuna sheegay in Soomalida u arkaan dowlada Xassan Shiikh Maxamuud mid aan rabin nidaamka Federaalka. Waxaa xusid mudan Matt Bryden wuxuu horey uga mid ahaan jiray guddiyadii Qaramada Midoobay ee xogta ka aruurin jiray xaalada Soomaaliya hadana wuxuu ka furtay Nairobi xafiis lagu magacaabo Sahan oo wax ka qora arrimaha Soomaaliya.

Cabdiraxmaan Caynte oo ka mid ah xubnaha iyaguna wareysiga siiyey jariirada Economist ayaa ku dooday in warar badan oo been ah laga fidiyey dowlada Federaalka ee cusub, wuxuuna sheegay in hawl culus oo aan fududeyn hortaal dowlada Soomaaliya. Cabdi Caynte oo difaacaya Madaxweynaha ayaa sheegay inuusan wadan wax “Qarsoon”.

Jariirada Economist ayaa qortay sidatan:-” Abdi Aynte, the head of the Heritage Institute, a think-tank based in Somalia, complains that too many conspiracy theories abound. The president has no hidden agenda, he says, and “an incredibly hard job”. Still, some of Mr Mohamud’s opponents in rival clans are still backing the Shabab, the armed Islamists linked to al-Qaeda that previously dominated the country, to destabilise him. In the past month, scores of people were killed in two Shabab suicide-attacks in Mogadishu”.

Waxay sidoo kale arrintan muujineysaa dadka talooyinka siiya Madaxweynaha Soomaaliya iyo shacabka dhaliilsan Xukuumadda sida ay u kala aragti fogyihiin dhinaca Siyaasada.

Waxaa muuqata in Cabdi Caynte La-taliyayaasha uu kamid yahay ay ku guuleysteen in uu Madaxweyne Xassan Shiikh fuliyo talooyinkooda kuwaasi oo kamid yihiin 2-da qodob ee ugu muhiimsan;

1- In Wax laga bedalo Dastuurka Federaalka Soomaaliya, isagoo qoraal dheer oo talo bixin ah oo uu Madaxweyne Xassan u qoray kula taliyey in Dastuurka Federaalka Soomaaliya uu yahay mid aan taageero ummada ka heysan isla markaana ay dusha ummada uga keeneen hogaamiyayaashii Dowladii hore ee Kumeelgaarka ahayd.

2- Taladiisa labaad ayaa ahayd in xilka Raysalwasaaraha uusoo magacaabayo uu noqdo mid awoodiisa ay kooban tahay oo aan faraha la gelin siyaasada sare ee dalka.

Cabdi Ceynte oo luuqada Ingiriiska warbixinadiisa ku qora ayaa qoraalkii uu talada ku siinayey Madaxweynaha Soomaaliya markii la doortay u qoray sidatan markuu ka hadlayey Arrimaha Federaalka iyo Nidaamka cusub:

”Constitutional and governmental overhaul: the now defunct TFG had imposed a new ‘Draft Constitution’ on the Somali people with almost no public consultations. The document institutionalizes sectarianism, sets the country on the road to renewed, clan-based civil unrest and effectively puts the duly elected President on a collision course with his appointed future Prime Minister. The document grants oversized powers to an unelected Prime Minister over the elected president – a perennial source of infighting in the government. The ‘Constitution’ also creates a convoluted and unworkable federal structure for one of the most homogeneous and smallest countries (population wise) in Africa”.

Dowladii hore ee Federaalka Kumeelgaarka ah, waxay ku khasabtay shacabka Soomaaliyeed Dastuurka Federaalka, iyadoo aan wax wadatashi ah kala yeelan ummada.

Dastuurkan wuxuu horseedayaa Iskala-qeybsanaan, wuxuuna wadanka ku jiheenayaa wado cusub,oo keeni doona xiisado “Qabyaaladeed”. Wuxuuna ka dhigayaa Madaxweyne la doortay inay isku dhacaan Ra’iisulwasaare uu isagu magacaabay.

Wuxuuna qoraalkan awood dheeraad ah siinayaa Ra’iisul Wasaaraha aan la dooran oo ka awood bata Madaxweynihii la doortay,waxay keenaysaa khilaaf hoose oo dowlada ah. Dastuurkan wuxuu sidoo kale keenayaa hab maamuleed aan shaqeyn doonin oo ah nidaam Federaal oo laga hirgeliyo wadanka ugu dadka yar Afrika ahna dad iskuwada mid ah (homogeneous).

www.puntlandi.com.

 

 

 

 

 

 


Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

Trending Articles