Quantcast
Channel: admin
Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

Bayaan ku socda Shacabka Gobolada Hiiraan iyo Galgaduud

$
0
0

Bayaan ka socda Jaaliyaddaha Gobolada Dhexe ee Somaliya, gaar ahaan Goboladda Galgaduud iyo Hiiraan shacabka u nasab sheegta, shir ay ku qabteen Waqooyiga London taariikhdu markii ay ahayd 08/09/2014, ayaa lagu gorfeeyay arrimo xassaasi ah, oo Qatar ku ah dadka deegaanada kor aannu kusoo qeexnay.

Jaaliyadda Goboladaasi waxay walaac aad iyo aad u wayn ka muujiyeen sida aan kafiirsiga iyo talo la’aanta, xushmad darada leh ee ay DFS uGu tilaabsattay inay madaxa issu galiso shacabka golada dhexe daggan.

Dowladda Federalka Somaliya, waxaanu oga digaynaa inaysan ku fududaan maamul u samaynta gobolada dhexe, dadka gobolada dhexe daggan, marnaba ma aqbali karaan, mana yeelayaan in lagu marin habaabsho siyaasad guracan, oo salka ku haysa in laga dhex abuuro is qaqabsi iyo dagaal hor leh umadda Soomaaliyeed ee dhibaatadu ku habsattay muddada 24 sano ah.

Gobolada Hiiraan iyo Galgaduud, shacabka daggan iyaga ayay u taal inay wax wada yeshaan, wax wada dhistaan, wax wada abuurtaan, waxa ka djaxeeyana ay tahay wax ay isla qaateen oo isla gorfeeyeen, isla ogolaadeen, marnaba dadka gobolada HIIRAAN iyo G/GADUUD ma aqbali karaan nidaam aan waa faqsanayn qaanuunka dalka u yaal, waxaana waayo aragnimo noogu filan dhibaatada ka dhex abuuran deeganada ay gacanta la gashay DFS.

Haddaba, bayaankaan waxaanu ku muujinaynaa, si cod dheer leh, in deegaanada aannu kor kusoo sheegnay inay dadka wada dagaa ay aayahooda ka tashadaan, iyaga oo aan marnaba marti uGu ahayn DFS, si looga fogaado isku dhac ay abuurto DFS, sida aannu wada ogsoonnahay, haddii DFS ay wax tar leedahay ama ay hayso siyaasad dadka iyo dalka wax loogu qabanayo, waxaa nagu filan inta hadda korkeeda ka muuqatta.

Shirkan waxaa sharaf noo ah inay nagala soo qayb galeen Jaaliyadda reer Punt land ee UK dad ka tirsan oo aannu ku cassuunay, isla markaasina noo muujiyay qalbi samaan iyo soo dhawayn qiimaheedu aan lasoo koobi Karin, waxaana sharaf noo ah in reer Punt land oo aannu ku tuhmayno Somalinimo iyo ehelnimo, inay naga ballan qaadeen inay nala garab istaagayaan taageero dhinac kasta leh, oo ah sidii gobolada aannu kor kusoo sheegnay ee HIIRAAN iyo GALGADUUD ay maamul u dhan yihiin loogu samayn lahaa, waxaana oga mahad celinaynaa dadkaasi ehelka Soomaaliyeed ah niyad wanaaggii ay natuseen iyo taageeradii ay noosameeyeen.

Magacyada Listiga Hiiraan iyo Galgaduud

Mudane : Eng Abdulkadir Bahdon, HE President of Galhiiraan state of Somalia

1-Dr Cabdullahi Geedi

2, wabar cabdullahi

3-nabadoon Cali Shiikhdoon

4-Nabadoon Cabdi nuure

5-Aqoonyahan C/llahi shiikh

6-Aqoonyahan daahir kaynaan cumar

7-Drs hani cabulaahi diiriye

9-Drs faadumo khaliif Guure

10-Professor Wiish dhabareey

11-ganacsade a/qaadir guure

12- Activiste Mr Elmi

13-Generaal nuur xuseen xirsi agoon

14-.nabadoon faarax jimcaale siyaad

15.Drs maaria axmed kaynaan

16. activiste mr shabeel

Marti Sharafta Jaaliyadda reer Puntland:
Amb Abdikadir F jibriil

Mudane, Khaliif Mandela

Barre Faatah

Abdukadir Teelagarays

Xassan Jaqaf

Mahamed Abdi F Botan (Shiike)

Prof Abdukadir Physico ( Tele-conference)

Activist Sharmarke
Hadan JAma


Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

Trending Articles