Quantcast
Channel: admin
Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

Akhriso cadeymo cida ka dambeysey isku daygii dil ee loo geystey Marwada Jeneraal Maxamed Abshir Hamaan

$
0
0

Bishii hore ee Ogosto dhamaadkeedii ayay ahayd markii Marwada Jeneraal Maxamed Abshir Hamaan uu soo gaarey dhaawac culus oo uu geystey nin Xoog ku heystey guri ay Marwadu lahayd oo ay u dacwooneysey.

Guriga Jeneraal Maxamed Abishir oo uu heysto nin ka tirsan Saraakiisha Bileyska Muqdisho, ayey marwadu ku howlaneyd sidii uu gacantooda ugu soo laaban lahaa, tasoo dhowr jeer ay wasaarada Arimaha gudaha iyo Waliba Taliska Boolisku ay waraaqo u qoreen Ninka Jeneraalka ku magacaaban oo guriga xooga ku haysta, Wuuna ka dhaga adeygey inuu guriga baneeyo.

Waxaa nasiib daro ah in Dowlada Federaalku aysan waxba ka qaban Gurigaas xooga lagu heysto oo uu waliba heysto nin masuul sare ka ah Taliska ciidanja loogu yeero Booliska Somaaliyeed, isagoo og in guriga uu xooga ku heysto uu leeyahay nin Magac iyo Maamuus ku leh Booliska Qaranka Soomaaliyeed, ninkaas oo ah Jeneraal Maxamed Abshir Hamaan ahaana Jeneraalkii u horeeyey ee Booliska Soomaaliyeed.

Kabasii darane Ninka guriga xooga ku heystey wuxuu isticmaalay Dhaqan Caadi ka ah Muqdisho dhaqankaasoo ah ” Guriga aad xooga ku degantahay ama aad ku habsatey hadii dadkii lahaa kuu yimaadaan , Khaaraji(Dil) Dadkaas, markaas ayaa gurigu kuu xalaaloobayaaye.

Halkaan hoose waxaad ku arkeysaa in Qoyska Reer Jeneraal Maxamed Abshir ay sanadkii hore La xiriireen Dowlada Federaalka si gurigooda looga saari lahaa nin kaa Jeneraal ah,ama ka tirsan Booliska ee xoog ku heysta Gurigooda.

Wasaarada Arimaha Gudaha iyo Taliska Booliska ayaa waraaqo maran, oo bilaa talaabo sharci fulineed ah u qoray ninkii guriga xooga ku haystay, lakiin Jawaabtii waxay noqotey inuu isku dayo inuu Khaarajiyo Marwo Faadumo Calbato oo ah marwada Jeneraal Maxamed Abshir.

Nasiib darada kale waxaa weeye in Dowlada federaalku aysan waxba ka qaban dacwada guryaha Jeneraalka ee xooga lagu heysto oo mudo dheer soo jiitamaysay,
markaad eegto waqtiga waraaqaha ka bixida guriga la qoray iyo xiliga la isku dayay in la dilo marwada,waxay muujonaysaa in ay qaadatay mudo dheer, dayac iyo wax ka qabad la’aan sharcina ay jirto, sidoo kale waxay cadeyneynaysaa in ninka guriga heystaa uu awood iyo isku haleyn badan haysto.

Fiiro gaar : madaxweynaha dawlada Federaalka ah mudane Xasan Culusow ayaa bishii hore maruu ku booqday Jeneraal Maxamed Abshir gurigiisa ee magaalada Minesota u balan qadaayay, in dawaldiis xil deg deg ah iska saareyso in ay dib u soo celiso hantida shaqsiga ah ee Jeneraal Maxamed Abshir xoogga looga haysto magaalada Xamar.

Nasiib daro balan qadkaa siyaasadeed ee maran ee madaxweynahu u sheegay qoyska Maxamed Abshir ayaa khatashay, isla markaan lug goysay marwada Jeneraal Maxamed Abshir in ay safar ugu baxdo magaalada Xamar,halkaas oo dhaawac culusi ka soo gaaray.

Madaxwene Xasan Culusow iyo hayadaha sare ee sharciga ee dalka ayaa ilaa hadda ka aamusan falkaas argagaxisada ah ee lagu dhaawacay marwada Jeneraal Maxamed Abshir, sidoo kalena ma jirto waxa talaabo ah oo ay dawladu ka qaaday shaqsiyaadkii iyo kooxihii soo abaabulay werarkaa burcadnimada ah ee lagu qaaday hoyadaa soomaliyeed ee hantideedii xoogga loogu haysto magaalada Xamar

Halkan ka akhriso warqad magac ku taal oo loo qoray ninka guriga xooga ku haysta sanadkii hore, lakiin ninka biliqada guriga ku haystaa uu qashinka ku daray

picture 1picture 2


Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

Trending Articles