Quantcast
Channel: admin
Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

War Deg Deg ah– Dooni ay ka buuxaan Tahriibayaal Soomaali badan ku jiraan ayaa lawaysan yahay

$
0
0

breaking nesWararka aan ka heleyno Dalka Liibiya waxay sheegayaan in la waysan yahay dooni ay Tahriibayaal ka buuxaan taasoo kasoo shiraacatey isla Dalkaas Libiya waxayna kusii jeeddey Dalka Talyaaniga.

Doonida waxaa saaraa boqol Dad kor u dhaafaya oo ay Soomaali ku jiraan, Sida aan warka ku helney tobaneeyey Dhalin yaro reer Puntland ah ayaa ka mid ahaa Rakaabka.

Lama oga xaalada Ay Doonidu ku sugan tahay lakiin waxas la xaqiijiyey in ay Doonidu ay shalay ahayd iney gaarto xeebaha Lambaduusa oo ah Jasiirad ka tirsan Talyaaniga.

Marmarka qaar way dhacdaa iney doonidu halowdo ka dibna Bada ay xili iska sabeyso sidaasna lagusoo badbaadsho halka ay marmarna Degto Doontu iyadoo maraysa Badweynta tasoo dhalisa dhimasho aad u farabadan.

Ilaa hada lama oga xaalada Tahriibayaashaan hada lawaysan yahay.

Wixii kasoo kordha doonidaan lawaysan yahay kala soco Puntlandi.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

Trending Articles