Quantcast
Channel: admin
Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

Col. Barre Hiiraale oo magaalada Muqdisho kula kulmay Bulshada qeybaheeda kala duwan (Sawiro)

$
0
0

Munaasabad ballaaran oo kasoo qeyb galeen Waxgarad, Siyaasiyiin, Aqoonyahan, Odayaal, iyo Haween oo warbixin looga dhageysanayay Col, Barre Aaden Shire (Barre Hiiraale) ayaa maanta lagu qabtay magaalada Muqdisho.

Barre Hiiraale oo warbixin dheer oo ku saabsan marxaladihii kala duwanaa ee soo mareen hanaanka dib-u-heshiisiinta Jubbooyinka goobta ka akhriyay, ayaa waxa uu tilmaamay in ay muhiim tahay in laga wada qeyb-qaato nabadda Gobalada Jubbooyinka, taasina ay tahay masuuliyad saaran qof waliba oo Soomaali ah, loogana fadhiyo dadka Jubbooyinka in ay meel uga soo wada jeestaan colaada iyo khilaafaadka dhexdooda ah.

“Dadka dagan Jubbooyinka waxaa hareeyay dhib badana u geystay colaad iska socota oo meel ay ku dhamaanayso aan la garanayn maanta waxaan hortiina ka sheegayaa in uu dhammaaday khilaafkii Jubbooyinka dadkuna u gudbeen waji kale oo xal gobolladaas loogu raadinayo, waxan isla afgaranay wafdigii Goobweyn noogu yimid in Dib u heshiisiin daba socota shirarkii addis iyo Muqdisho lagu qabto Kismaayo”.
“Kismaayo waxay ahayd magaalo dagaal, laakiin waxay hadda ka dib noqonaysaa magaalo nabadeed oo xasilan,” ayuu yiri Col. Barre Aaden Shire (Barre Hiiraale)

20140903_103039

20140903_103100

20140903_103946

20140903_105912

20140903_110852

20140903_111728

20140903_113835


Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

Trending Articles