Quantcast
Channel: admin
Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

WAR DEG DEG AH– Diyaaradii ku burburtey maanta Garoonka diyaaradaha Muqdisho oo la ogaadey iney hub u Waday Dowlada Federaalka ah, balse la qarinayay.

$
0
0

Warkii ku saabsan diyaaradii maanta ku burburtey Garoonka Diyaaradaha Muqdisho ayaan ahayn sida loo baahiyey, diyaarada Waxaa lahaa Ciidanka Itoobiya, lakiin waxay sigaara ugu shaqaynaysay bilahanba Ciidamada Amisom, Waxaana xalay lagsoo raray Dalka Jabuuti.
Yaa lahaa hubka Saaraa Diyaarada.
Nin lagu magacaabo Cabudlqaadir Macalin nuur, wuxuu ka mid ahaa Qurba joogta Dalka ku soo laabtey Xiligii Madaxweyne Xasan Sheikh la doortey, Kansas City ee Dalka Mareykanka ayuu Taksiile ka ahaan jirey markiisii hore, Markuu villa Soomaaliya yimid wuxuu durba ku biirey Ciidanka Xooga Dalka isagoo shaqo ka bilaabay Villa Soomaaliya, bilo ka dib waxaa loo xirey Darajada Gaashaanle Sare, sidaas ayuuna ku noqdey Taliyaha Saadka Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliyeed.
Cabudlqaadir Macalin nuur waa ninka hada hubkaan ka soo raray dalka Jabuuti, waxaana xusid mudan in dhawaan warbixintii Monitering Groupku soo saareen ay ku sheegeen inuu lacag gaaraysa 4.5 milyan uu kala baxay bangiga dhexe isagoo wax cadayn ah u keenii halka uu ku bixyey lacagtaa.
Waxay saaxiib dhow yihiin oo ay wada shaqeeyaan Wasiirka Arimaha Gudaha Cabdikarin Xuseen Guuleed, isagaana Jabuuti u direy hada, sida aan ka warheyno.
Hubka ay sidey Diyaaradii maanta ku burburtey Garoonka diyaaradaha Aaden Cade Waxaa laga soo raray Dalka Jabuuti, Waxaana soo raray Cabdulqaadir macalin , dowlada Jabuuti waxbay ka ogayd oo iyagaa diyaaradaan u shaqaaysa Amisom ka codsatey in Hubka loo geeyo Ciidanka Jabuuti ee jooga Soomaaliya, lakiin Xaqiiqda Hubka waxaa iska lahaa oo ay si qarsoodi ah ugu socotey Villa Soomaaliya, mana ahan Hub la ogaysiiyey Qaramada Midoobey Gudigii ay u xilsaareen la socoshada hubka Soomaaliya soo iibsanayso, mudada yar ee laga qaadey Cunaqabatayntii hubka ee Saareyd Soomaaliya, tan kale hubku ma diiwaan gashaneyn.
Ma cada sababta hubkaan sida Qarsoodiga ah loogusoo galinayay Dalka waxaase loo badinayaa in hubka loo isticmaali lahaa howlgalo qarsoon.
Waxaa dadka diyaarada ku dhintey ka mid ahaa laba soomaali ah oo hubka wadey, lakiin waa la qariyey labadaan muwaadin ee Soomaalida ah.
Sababta keentey in diyaaradu bururto waxaa loo badinayaa in hubka saaraa uu ku lug lahaa , waayo sida la sheegey diyaaradu waxay u burburtey siyaabo laga shakiyey, waxaana hada socda Baaritaan dheer.

PUNTLANDI.COM


Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

Trending Articles