Quantcast
Channel: admin
Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

Amaanka Muqdisho oo faraha kasii baxaya iyo Madaxda Dowlada oo villa Soomaaliya usoo qaxay

$
0
0

Muqdisho–9 Ogosto,2013–Pi– Waxaa la cadeeyey in amaan ka Magaalada Muqdisho uu faraha kasii baxayo, Xalay waxay Al-shabaab Dagaal culus ka dhex qarxiyeen Gudaha Muqdisho waana markii u horeysay oo dagaal noocaan ah uu ka dhaco gudaha magaalada tan iyo markii Xukuumadii Madaxweyne Shariif ay ka sifeeyeen magaalada Al-shabaab.

Saldhig Ciidanku ku leeyihiin waqooyiga Magaalada ayaa Xalay Al-shabaab Weerar kusoo qaadeen halkaasoo uu ka dhashey khasaare baaxad weyn, dhinaca kale waxaa magaalada dib ugu soo laabtey Isbaaayrooyin iyo in Habeynkii markii qoraxdu dhacdo uu amaanku faraha ka baxo, magaaladana inta badan waxaa la wareega kooxo maleeshiyaad ah oo dhac iyo dil geysta.

Warar lagu kalsoon yahay oo Puntlandi heleen ayaa sheegaya in Wasiiro iyo Xildhibaano badan ay kasoo qaxeen guryihii iyo Hoteladii ay deganaayeen waxayna gabaad kasoo dhigteen Villa Soomaaliya, qaarkoodna waxay Amisom ka codsadeen in la dajiyo nawaaxiga Xalane.

Qaraxyadii iyo Dilal kii ugu dambeeyey ee hareeyey Magaalada ayaa sababay baqdin hor leh iyo isku dhexyaac, meelaha qaar ciidanka ayaa difaac uga jira, inkastoo Habeynkii la waayo meesha ay Ciidanku jaan iyo Cirib dhigeen.

Madaxweyne Xasan Sheikh oo shalay Salaadii Ciida la hadley shacabka Muqdisho wuxuu muujiyey dhaliilo badan oo dhinaca amaanka soo food saare, todobaadkii hore Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Maxamuud Axmed Tarsan wuxuu Shacabka Muqdisho iyo Waxgaradka ku eedeeyey iney dayaceen amaankii Magaalada.
Hadalada kasoo yeeraya Masuuliyiinta Dowlada iyo kuwa Gobolku waxay muujinayaan Amaanka Magaaladu inuu sii xumaanayo balse aysan jirin hadana Wax ay ka qaban karaan.

Magaalada Kismaayo oo kamid ahayd meelaha Shabaabku ku xooganaayeen ayaa Dowlada Jubaland ku guuleysatey iney ka dhaliyaan Amaan buuxa.

Siyaasiyiin ku xeel dheer Amaanka iyo Dowlad wanaaga waxay sheegeen in Dowlada Federaalka ah ay si cad uga seexatay waxka qabashada Amaanka, ayna wakhtigooda saareen howlo kalem, tasoo Al-shabaab u saamaxdey iney tartiib tartiib kusoo galaan Magaalada Muqdisho, waxayna siyaasiyiintaan sheegeen in Xaaladu ay ku socoto waji aan wanaagsanayn sababtoo ah Masuuliyiinta Dowladu wali xil iskama saarin sugida amaanka Muqdisho, oo waxaad moodaa iney iska daawanayaan.

Puntlandi.com
Muqdisho


Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

Trending Articles