Muqdisho–9 Ogosto,2013–Pi– Diyaarad ay lahaayeen Milatariga Itoobiya oo ahayd nooca Xamuulka kaliya qaada una sidey Qalab ciidan Ciidanka Amisom ayaa saaka ku burburtey Garoonka Diyaaradaha Aaden cade International, ka dib markii ay diyaaradu si qaldan ugu soo dagtey Laamiga Diyaaraduhu ku ordaan.
Sida ay uu Puntlandi u sheegey mid ka mid ah Shaqaalaha Garoonka, diyaaradu waxay xawli saa’id ah kaga baxdey Wadadii ay kusoo degtey tasoo sababtey iney afka dhigato ka dibna dab ayaa ka kacay durba, sidaasayna ku bur burtey, Diyaaradu waxay u Rarneyd Ciidanka Amisom ee Magaalada Muqdisho, waxaa saararaa lix qof oo afar kamid ah dhinteen labana dhawac yihiin.
Warar Waxaa jira sheegaya in Diyaarada ay saaraayeen Saraakiil ka tirsan Ciidanka Amisom balse ilaa hada warkaa cid Xaqiijisey ma jiraan.