Quantcast
Channel: admin
Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

Ergayga Qaramada Midoobay oo booqday Somaliland, wuxuuna ballan qaaday taageerada Qaramada Midoobay ee nabadda iyo horumarka 

$
0
0

Xafiiska Qaramada Midoobay u Qaabilsan  Kaalmaynta Soomaaliya (UNSOM) 

WAR-SAXAAFADEED 41/2014

kay Hargaysa, 18 Agosto 2014 – Ergayga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u Qaabilsan Soomaliya (SRSG) Nicholas Kay ayaa maanta gaaray Hargeysa, caasimadda Somaliland, wuxuna ballan qaaday in la kordhinayo taageeradaQaramada Midoobay.   

Inta uu booqashada ku joogo Somaliland SRSG Kay wuxuu la kulmi doonaa Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo, Wasiirka Arrimaha Dibedda, Maxamed Biixi Yoonis iyo Wasiirka Qorshaynta Qaranka iyo Horumarinta, Dr. Sacad Cali Shire si ay uga wada hadlaan fursadaha lagu kordhin karo waxqabadka Qaramada Midoobay ee dhinacyada nabadda, xasiloonnida, iyo horumarka dadka reer Somaliland. 
“Sanadihii ugu dambeeyay, Somaliland waxay ku tallaabsatay horumar baaxad weyn leh kaas oo Xukuumadda iyo dadkuba mudanyihiin in aad loogu amaano. Waxaan ka mahad celinayaa fursaddan la ii siiyay in aan booqdo Somaliland si aan u daraaseeyo qaabka aan usii kordhin karno una xoojin karno wada-shaqaynta ka dhexeyso UNSOM iyo maamulka Somaliland, taas oo dan u ah dadka” ayuu yiri Md. Kay.   

* * * * * * * * * * * * * * * * * * * * * *

Get updates from UNSOM/Halkan ka hel wararka UNSOM: 
www.unsom.unmissions.org 
@UNSomalia 
www.facebook.com/UNSomalia


Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

Trending Articles