Ergayga Gaarka ah ee Xoghataha guud ee QM u qaabilsan Soomaaliya Ambasador Nickolos Kay,Waxgaradka iyo Ururada Bulshada Rayidka ah ee Puntland ayaa kulan uga socdaa Xarunta Hay’ada Cilmi baarista Puntland PDRC ee Bartamaha Garowe.
Kulanka ayaa lagu falanqaynaya arimaha Soomaaliya iyo Kaalinta Puntland.
Warar Horu-dhaca uu helay Warsidaha Puntlandi ayaa xaqiijinaya in Ururada Bulshada Rayidka ah iyo Hogaanka dhaqanka Puntland ay Qaramada Midoobay u gudbin doonaan dareenkooda ku aadan xaalada Soomaaliya.
Baarlamanka Puntland iyo Kay.
Kulanka ayaa daba socda kulan uu shalay Mr. Kay uu la qaatay Baarlamanka Dowlada Puntland,kuwaasi oo u gudbiyay Document ay diyaariyeen Baarlamanka Puntland.
Documentiga ayaa Baarlamanku ay ku cadeeyen inay taageersan yihiin go’aanka Xukuumadu ay xiriirka ugu jartay Villa Soomaaliya,ayna u dulqaadan doonin Musuqmaasuqa Villa Soomaaliya ay ku samaysay Deeqaha lagu helo magaca umada Soomaaliyeed iyo wax ka badalka lagu sameeyay Dastuurka dalka.
Arrinta ugu wayn ee ku qoran Documentiga ayaa ah in Baarlamanka Puntland oo kaashanya dadweynaha ay ka tashan doonaan Masiirka umada reer Puntland,haddii xaalada Siyaasdeed ee Soomaaliya ay sidan kusi socoto.
Wixii kaso baxa kulanka Kay,Wagaradka iyo ururada Bulshada rayidka ah ee saaka ka socda Garowe fili goor dhow.
www.puntlandi.com.