Warmurtiyeed kasoo baxay kulan ay maanta si deg deg ah isugu yimaadeen Golaha Wasiirada Xukuumada Federaalka Soomaaliya uuna shir gudoominayay Raysal wasaare Cabdiwali Sheikh ayaa si buuxda loogu ayidey Howlgalo ay Ciidanka Amisom iyo kuwa Dowladu ku burburiyeen awoodo Ciidan oo rag shaqsiyaada lahaayeen.
Waxaa kaloo siweyn loogu digey Saxaafadaha Muqdisho oo buunbuunin, baahin warar aan jirin iyo isku dir bulsho lagu eedeeyey xiligii Ciidanka Amisom iyo Nabadsugida DF ay howlgalada fulinayeen.
Hoos ka akhriso warmurtiyeedka kasoo baxay kulankii maanta ee Gollaha Wasiirada Dowlada Federaalka Soomaaliya
Warsaxaafadeed
Villa Soomaaliya
Muqdisho, 16, August, 2014… Golaha Wasiirada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta isugu yimid shir aan caadi ahayn oo shir gudoominayey Ra’iiusl Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Cabdiwali Sheikh Axmed, waxaa sidoo kale kulanka ka soo qayb galay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheikh Maxamud.
Kulanka oo looga hadlayey ariimaha amniga iyo xaaladihii ugu danbeeyey dalka ayaa waxaa laga soo saaray warmurtiyadeed ku aadan sida loo wajahayo nabad ku soo dabaalida dalka.
WAR-MURTIYEED
Xukuumadda JFS waxay u gubinaysaa ummadda Soomaaliyeed fariin ku aadan amniga dalka iyo hawl-galada lagu sugayo amniga guud:
1. Ummadda Soomaaliyeed waxaa lagu wargelinayaa in hawl-galadii amniga ee ka dhacay magaaladda Muqdisho maalmihii la soo dhaafay ay ahaayeen kuwo lagu xaqiijinayo amaanka guud ee dadweynaha iyo dalka, ee aan marnaba loola jeedin cid gaar ah, shakhsi gaar ah ama degaan gaar ah. Waxayna Xukuumaddu ka xun tahay wixii waxyeelo ah ee soo gaaray dad shacab ah ee ku sugnaa goobaha ay ka socdeen hawl-galada amaanka lagu sugayey oo aan ku-talo-gal ahayn, waxaana dowaldu ka tacsiyeeynaysaa dadkii dhibaatadu ka soo gaartay howlgaladaas:
2. Xukuumadda JFS waxay amaanaysaa soona dhaweynaysaa Hay’adaha Amniga Qaranka hawl-galadii ay fuliyeen iyagoo sugaya amniga dadweynaha;
3. Waxaa xusid mudan, in hawl-galada lagu sugayo amniga ummadda la sii wadi doono, iyadoo marnaba aan lagu xad-gudbaynin xuquuqda asaasiga ah ee dadweynaha;
4. Sida sharcigu qabo, Hay’adaha Amniga iyo Ciidamada Qalabka-sida ama ciddii ruqsad loo siiyo oo keliya ayaa xaq u leh haysasho hub;
5. Waxaa la mamnuucay:
b) ka-ganacsiga hubka nooc kasta uu yahay;
t) haysashada ciidan abaabulan oo ka baxsan ciidamada
qalab-sida iyo AMISOM;
j) in wadooyinka lala maro hub aan sharciyeysnayn;
1. Waxaa lagu wargelinayaa dhammaan dadweynaha Soomaaliyeed in ciddii haysata hub sharci daro ah ay ku soo wareejiso gacanta Hay’adda Amniga (Wasaaradda Amniga Qaranka) ama ay si sharciga waafaqsan uga diiwaan-geliso Hay’adaha Amniga Qaranka;
2. Ciddii ka hortimaada ciidamada amniga, marka ay ku jiraan hawlaha amni-sugid ee ay u xilsaaran yihiin, waxay ku xad-gudubtay sharciga dalka, waxaa lala tiigsanayaa sharaciga dalka u yaala;
3. Xukuumadda JFS waxay ku adkaynaysaa Hay’adaha Amniga in ay markasta dhawraan Xuquuqda Aadanaha, sarreynta iyo talinta sharciga (respect to the supremacy of law and the rule of law);
4. Warbaahinta madaxa-bannaan waxaa lagu wargelinayaa in ay dhawraan sharciga oo aysan marnaba ku xad-gudbin. Waxaa Saxaafadda iyo Warbaahinta lagu adkaynayaa in aysan ku kicin falal iyo warbaahin iska-horkeenka bulshadda, kicinta colaadaha, been-abuurka aan salka lahayn, iwm. Waxayna xasuusinaysaa in falalkaas ay yihiin danbiyo cad cad. Warbaahintii ku dhaqanta arrimaha xad-gudubka ah ee sare ku xusan, waxaa laga qaadayaa talaabo sharciga waafaqsan;
5. Xukuumadda JFS waxay markasta dhawraysaa gacan-sarreynta sharciga, talinta sharciga iyo ilaalinta xuquuqda asaasiga ah ee dadweynaha Soomaaliyeed, waxayna xushmaynta xoriyadda saxaafadda;
6. Golohu wuxuu u xilsaaray Wasaaradda Warfaafinta iyo Wasaaradda Amniga Qaranka in ay sida ugu dhaqsaha badan u soo saaraan siyaasad cad oo qeexaysa qorshe lagu tayeeynayo laguna xirfadaynayo warbaahinta madaxa banana;
7. Xukuumadda JFS waxay dadweynaha Soomaaliyeed ku wargelinaysaa in la abuuray khad (telefoon) gaar ah oo ciddii qabta tabasho, wargelin iyo talo-bixin ay kala soo xiriiri karto Hay’adaha Amniga (Wasaaradda Amniga Qaranka), waxaana dhawaan khadkaas lagu soo bandhigi doonaa Warbaahinta Qaranka; iyo
8. Xukuumadda JFS waxay markale shacabka Soomaaliyeed u ballan-qaadaysaa in ay xoojinayso amniga si waafaqsan shuruucda dalka si muwaadinku u helo xasilooni iyo amaan;
Xafiiska Raysal wasaaraha DF
Villa Somalia