Quantcast
Channel: admin
Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

Magaalada Marka oo kooxa Mooryaan ahi ka bilaabeen barakicin, Dhac iyo kufsi

$
0
0

MooryaanMarka –14 Ogosto 2014–Pi– Xaalada Magaalad Marka ee Caasimada Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa kasoo daraysa kadib markii kooxo Mooryaan ah oo huwan magaca Maamul lagu sheefey Labada Shabeele ay bilaabeen iney barakiciyaan Shacabkii Magaalada iyadoo AMISOM ay daawanayaan.

Kooxo taageero dhaqaale iyo hub ka helaya ganacsato kasoo jeeda Gobolada dhexe iyo Dowlada Federaalka ayaa dhib xoogan ka wada Degmada Marka iyagoo si toosa dadka rayidka ah u beegsanaya.

Illaa hada 15 Gabdhood oo da’yar ayaa Isbitaalka lagu daweybayaa kuwasoo ay faraxumeeyeen Mooryaanta magaalada heysata, waxaa jira tiro Gabdho la fara xumeeyey oo intaas ka badan kuwasoo ka xishoonaya iney yimaadaan Goobaha Caafimaadka, waxaa sidaas Puntlandi u sheegtey Kalkaaliye Caafimaad oo hada nafteeda kalasoo carartey Shaqadeedii.

Gudoomiysha Degamada Marka Maxamed Cusmaan Yariisow oo dhankisa la hadley Laanta af-Soomaaliga ee BBC ayaa daaha ka qaadey in Magaalada laga barakicinayo shacabkii Deganaa falal Bini’aadananimada ka baxsana loo geystey, hadalka Gudoomiyaha ayaa muujinaya in Dagaal qorsheysan oo dhinacyo badan ka dambeeyaan uu ka socdo Shabeelaha hoose.

Beesha Caalamka iyo Dowlada Puntland midna kama hadlin Dhibka lagu hayo Dadka rayidka ah ee Shabeellaha hoose oo Dowlada Federaalku waxka ogtahay waxa ka socda halkaas.

Dhinca kale Maamulka Koonfur Galbeed oo deegaankaan ka tirsan yahay ayaan iyana wali wax hadala ka bixin falalka foosha xun ee ka bilowdey Marka Cadey.

Puntlandi.com
Kismaayo


Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

Trending Articles