Garowe –14 Ogosto 2014—Waxaa tan iyo shalay saxaafada Muqdisho baahinaysay warar been abuur ah oo sheegaya in shirkii shalay ka dhacay Muqdisho ee Xubnaha Golaha amaanka Qaramada Midoobay ku yimaadeen Muqdisho ay Dowlada Federaalku casuntey Madaxweyne Gaas balse uu diidey waa say hadalka u dhigeene.
Sida ay Puntlandi xaqiijeen Wararkaas waa been abuur mana jirun wax wada xiriir ah oo dhexmaray Garowe iyo Muqdisho.
Shirka waxaa abaabulkiisa lahaa Qaramada Midoobey iyagaana casumay qolyaha kasoo qayb galay, Golaha amniga ee Qaramada Midoobey iyo Puntland maalmo ka hor ayay kawada hadleen shirkaan.
Dhinaca kale Shirkii Shalay ka dhacay Xalane waxaa ka qayb galay Jubaland oo khudbad dheer uu ka jeediyey Wasiirka Madaxtooyada Cabdiqani Jamac oo ku hadlayay afka Madaxweyne Axmrd Madoobe oo isna joogay shirka, Galmudug oo goobjoog ahayd ma aysan hadlin.
Sargaal ka tirsan Aqalka Dowlada Puntland oo aan saaka Puntlandi ahaan la xiriirney oo aan wararkaan wax ka waydiiney wuxuu yiri ” waa been abuur warkaas, Puntland xiriirkii way u jartey Villa Soomaaliya, sidee tekeefoono loogu wada hadlaa hadaan xiriirkoodiiba jaray, Waan xirey gabi ahaan Chanaaladii pDoblamaasiyada ee ka dhexeeyet Villa Soomaaliya iyo Garowe, Beesha caalamkuna waa ogtahay.”
PUNTLANDI
GAROWE