Dowlada Federaalka ayaa Markii u horeysey ka hadashey Diyaaradii saaka ku burburtey Garoonka diyaaradaha Aaden Cade ee Magaalada Muqdisho, Dhinaca kale Dowladu waxay u saartey Gudi soo baara sababta Diyaaradu u dhacdey, sida ku cad Warsaxaafadeed ka soo baxay Villa Soomaalia oo u qornaa sidaan hoose.
Warsaxaafadeed
Villa Somalia
August 9, 2013, Muqdisho… Dawladda Federaalka ah ee Soomaaliya waxay xaqiijinaysaa in garoonka diyaaradaha caalamiga ee Aadan Cabdulle, Muqdisho ay ku gubatay diyaarad xamuul ah. Ilaa iyo hadda xogta hor-u-dhaca ahi waxay tilmaamaysaa in dhacdadani tahay shil cilad farsame awgeed (technical fault).
Haddaba, si faahfaahin buuxda oo sugan loo helo waxaa DFS magacawday guddi xaqiiqo-raadin ah oo ka kooban xubnaha hoos ku xusan:
(1) Cabdishakuur Cali Mire, Wasiir ku-xeenka War. B.I & Gaadiidka, ahna ku-simaha wasiirka – Guddoomiye (2) Cali Maxamuud, Maareeyaha Guud Hay’adda Duulimaada Rayidka & S.H – Xubin (3) Gen. Cabdixakiim Daahir “Saacid”, Taliyaha Ciidankia Booliska Soomaaliyeed – Xubin (4) Gen. Bashir Maxamed Jama, Agaasimaha Guud ee Hay’adda Nabsugidda Qaranka – Xubin (5) Gen. Daahir Aadan Cilmi, Taliyaha Xoogga Dalka Soomaaliyeed – Xubin (6) AMISOM, Wakiil – Xubin (dib laga soo magacaabo) (7) SKA, Wakiil – Xubin (dib laga soo magacaabo)
Dawladda federaaliga ah ee Soomaaliya waxay ka xuntahay khasaaraha dhacay waxayna tacsi u direysaa dhamaan intii ku wax yeelowday. Si loo helo xogta dhabtaa ee la xariirta shilkaan waxaa lagu adkaynayaa xubnaha guddigu inay si dhaqsa ah u hawl-galaan soona gudbiyaan warbixin buuxda sida ugu dhaqsaha badan.
DHAMAAD
Ridwaan Haji Abdiwali Government Spokesman
Mogadishu, Somalia
+252 (0) 616 969 105 Email: Media@opm.gov.so