Ka dib markii uu shalay Garowe soo gaaray Garaad Sulaymaan Garaad Maxamed ayaa waxay idaacada VOA waraysatay Garaad Jaamac Garaad Cali kasoo aflagaado wayn u geystey Garaadka iyo Puntlandba, Garaad Jaamac Garaad Cali oo hore aflagaadeyey shacbiga iyo dawlada Puntland, kuna sheegay ” PINTI- LAND ” ayaa habeenkii xalay weero iyo maahmaahyo aflagaado ah Idaacada Voa America u mariyey Garaad Saleebaan Garaad Maxamed.
Idaacada VOA-Somalida ayaa ah mid ku caan baxday naceybka iyo colaada shacbiga iyo dawlada Puntland, mar walbana aad u raadisa , xiisana u qabta wareysiyada iyo aflagaadoyinka Faysal Cali Waraabe iyo Garaad Jaamac Garaad Cali kula dul kufaan shacbiga reer Puntland
hoos ka dhagayso waraysiga aflagaadada ah ee Garaad Jaamac Garaad Cali siiyey Idaacada VOA Soomaali.