Oslo–25 Luuliyo 2014–Pi–Maalmahaan waxaa Saldhigyada Bileyska Oslo iyo Hay’ada Sirdoonka soo buux dhaafshey macluumaad sheegaya in ay jiraan kooxo weerer Argagixiso la damacsan Magaalada Oslo laakiin Bileysku warkaas miisaan weyn ma aysan saarin ilaa maanta oo arimuhu isasoo tareen taasoo keentey in Guud ahaan Norway xuduudeeda la xiro gawaarida soo galaysana kab iyo dacal la baaro.
Ciidan kooxkoox u socda oo qoryaha darandooriga u dhaca ku hubeysan ayaa la dhigey Garoonka Diyaaradaha, Dekada, Xarumaha Tareenada iyo meelaha Dadku ku badan yihiin magaalada.
Baarlamaanka iyo Guriga Boqortooyada iyana maamta waxaa laga xirey dadkii soo booqan jirey amaankana waa la xakameeyey.
Xuduudaha Norway iyana baabuurta waxaa baaraya ciidan hubeysan.
Hanjabaadan culus ee Norway heshey ayaa timid ka dib markii Sirdoonka Dalku ay heleen informashan ku saabsan Kooxo Argagixiso oo Suuriya ( Syria) ka yimid ama kasoo socda ay Qorsheynayaan falal argagixiso oo ay kasameyn doonaan Norway, Lama oga goobta iyo wakhtiga ay qorsheymayaan weerararka.
Sirdoonka maraykanka ayaa iyaba sheegey in macluumaadka Norway heleen uu jiro.
Shalay waxay Bileyska iyo Sirdoonku sheegeen in waayadaanba lala socdey indhahana lagu hayay Dad gaaraya 50 qof oo Suuriya kasoo laabtey kuwasoo qaarkood ay kasoo dagaalameen.
Sida ay warar hore oo Norway baahisey ay sheegeen dhowr Dhalinyaro Soomaaliyeed ayaa Norway ka tagay kuwaasoo aadey Suuriya si ay ugasoo dagaalamaan.
Wadamo badan oo Yurub ah ayaa dhalinyaro Soomaali ku jiraan ay u haajireen Suuriya si ay ugasoo dagaalamaan halkaas, qaarkoodna waxay u baxeen iney dhinaca cunaqaybinta xeryaha Qoxootiga ka qayb qaataan in kastoo la ogaadey in xitaa kuwaas ay aakhirka qoriga qastaan.
Dhalinyaradaan qaarkood waxay dib ugusoo laabteen Dalalkey ka tageen, qaarkood oo gabdho da’yar ku jiraan waxaa la sheegey iney ku geeriyoodeen gudaha Suuriya.
Soomaalida Katagay Yurub oo ku dhintey Suuriya waxas lagu sheegas 7 qof oo 3 gabdho yihiin.
Puntlandi.con
Xarunta Wararka Yurub.
eu@puntlandi.com