Diyaarad Sahay u sidey Ciidanka Amisom ee Muqdisho ayaa saaka ku burburtey Garoonka diyaaradaha Muqdisho, Diyaarada oo ahayd nooca Xamuulka qaada oo ay leeyihiin Ciidanka Itoobiya waxaa ku dhintey 4 qof oo shaqaalihii diyaarada ahaa.
Ilaa hada Diyaaradu way gubaneysaa waxaana u gurmaday Dab damis iyo Hay’adaha Caafimaadka, ilaa hada ma jiraan Dad Soomaali ah oo ku waxyeeloobey Shilaka.
Ku simaha Abaanduulaha Amisom oo shilka ka hadley wuxuu tacsi u direy shacabka iyo Dowlada toobiya.
Puntlandi.com
Moø
uqdisho