Xaliimo Aaden oo ku nool Magaalada Durduri ee Gobolka Sanaag ayaa Buraanburkeeda waxay uga hadleysaa dhirta loo xaalufinayo in dhuxul laga dhigo, taasoo dhibaato xoogan ku ah Deegaanka, iyadoo dib u jaleeceysa quruxda illaahay ku manaystey dhulka Gobolka Sanaag ayay hadana aragtay in Quruxdaas aysan sii jireyn hadii dhirta gumaad lagu wado, Xaliimo Aaden waxay isku daydey inay wax ka qabato kana hortagto dhibka iyo xaalufinta lagu hayo deegaanka, Dagaalkeedana waxay adeegsatey afkeeda iyadoo tixo Buraanbur ah ka tireysay.
Labadaan tix ee aad dhagaysan doontaan waxay Xaliimo iska dhigeysaa Dhulkii oo barooranaya oo leh “DHARKA YAAN LA IGA DHIGIN”