Quantcast
Channel: admin
Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

Dhagayso Jaaliyada Puntland oo taageertey go’aankii Puntland xiriirka ugu jartey Villa Soomaaliya

$
0
0

Bariga Magaaladda Minneapolis oo ah xaafadaha ay Jaaliyadda Soomaaliyeed si aadka ugu muuqdaan, welina ay soo degayaan, ayaa waxaa Cidul Fidriga sanadka 2013ka ka soo qayb galay dad aad badan. Dadka halkaa isugu yimid oo u badnaa qoysaska Soomaaliyeed oo aad arkayso: Aabayaal iyo Hooyooyin iyo caruurtoodi oo wadajir u ciidaaya. Salaada Cidul Fidriga ee saaka halkaa dhacaday oo soo abaabulay Masjidka wayn ee la yiraahdo Daarul Al-Qalam oo ku yaal Bariga Magaalada Minneapolis, ee dalka Maraykjanka oo ah masjika kali ah ee ay Jaaliyadda Soomaalida ay gadatay, isla markaana ay maamusho Soomaalida degan xaafadaan. Imaamada Masjida Darul Al-Qalam, Culimada iyo macalimiinta dugsiga masjidka oo ay taagaaro buuxda ka haysta Jaaliyadda Soomaaliyeed ee bariga Minneapolis ayey si nadhaam leh halkaa uga abaabulay salaadi Cidul Fidriga.

Dadka oo isu hambalyeeynayey ayaa dhamaystay qudbadii salaada iyada oo xagaayo yar meesha ka socotay. Imaamka ayaa, sida cadaada u ahaan jirtay, qudbadiisii ku soo daray arimaha khuseeya qoysaska Soomaaliyeed sid: waxayaabaha keena in qoysku uu burburo. Sidoo kale, Imaamka waxaa uu halkaa ku soo qaaday cawaaqibka burburka qoysaska Soomaaliyeed in ay tahay: dhib soo gaarta caruurta iyo dhalinta. Runtii ahaantii arimaha loo aasaasay Masjidkaan oo ah badbaadinta qoysaska, caruurta iyo dhalinta, ayaa markasta Imaamada Masaajidka aad u xasuusiyaan Jaaliyadda in burbur qoyska ay tahay mid waxyeelo u wayn u keeni karto guud ahaan jaaliyadda Soomaaliyeed, gaar ahaana caruurta iyo dhalinta.

Intkasta oo ay jiraan meelo badan oo Jaaliyadda Soomaalida ku kulmaan maalintaan oo kale, se waxa uu Masjidka Daarul Al-Qalam iyo imaamadiisa uga duwan yahay masaajidada culayska oo saaraan arimha soo socda

  • Waa xarun dugsi caruurta Soomaaliyeed lagu baro qiraa’ada Qur’aanka.
  • Waa xarun ay caruurta Soomaaliyeed lagu baro asluupta iyo dhaqanka Islaamiga ahWaa masjid looga hadlo wanaaga iyo wada dhaqanka Soomaaliyeed, kaas oo uga diga Jaaliyadda Soomaaliyeed, tafaraaruqa, qabiilaysiga, isla markaa u cadeeya Jaaliyadda in arimahaas iyo Islaamka aysan meel wada galin.
  • Waa xarun xasuusiya dadwaynaha Soomaaliyeed in ay diinteena macaan ee Islaamka, dhaqan iyo afkeena hooyo uu yahay waxa mideeya.
  • Waa xarun looga hadlo waxyaabaha khuseeya caruurta, dhalinta, haweenka iyo raga Jaaliyadda Soomaaliyeed iyo aysan dhaqankooda iyo diintooda macaan uga tegin.

Arimaha kor ku xusan waa arimahaas ay nasiib u yeesheen dadka degan Bariga Magaalada Minneapolis, ee dalka Maraykanka, una suurto gelisay in la helo Soomaali isku duunban. Sidoo kale, dhamaan jaaliyadaha Soomaaliyeed eeku sugan: Africa, Australia, Asia iyo Europe waa mid ay uga dayan karaan Jaaliayadda Bariga Minneapolis, ee dalka Maraykanka: ha ahaato dhinaca isku duubnaanta, wadashaqaynta, badbaadinta caruurta iyo qoysaska Soomaaliyeed.

Sawirida hoos ka daawo

Waxaa qoray: Mohamed Barre – Junlay (Buluf) oo wax ka qora arimaha Jaaliyadda Soomaaliyeed ee degan magaaladda Minneapolis, ee dalka Marayka at Junlay99@aol.com


Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

Trending Articles