Quantcast
Channel: admin
Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

Faahfaahin iyo Xog Deg Deg ah “Shaqaalaha Villa Soomaaliya oo fududeysey weerarkii galabta lagu qaadey Villa Soomaali iyo Madaxweynaha oo la damacsanaa in la khaarajiyo “

$
0
0

Warar lagu kalsoon yahay oo warbaahinta Puntlandi ay ka heleen Illo dublamaasiyadeed ayaa sheegaya in Weerarkii galabta lagau qaadey Villa Soomaaliya uu san ahayn weerar ay qaadeen koox ka timid banaanka Madaxtooyada ee uu ahaa weerar Qorsheysan oo ay fuliyeen koox lagusoo ururiyey Madaxtooyada dhexdeeda, kasoo ujeedkiisu ahaa in la dilo Madaxweyne Xasan Sheikh markuu kasoo laabto Garoonka Diyaaradaha oo uu ku maqnaa.

Sida aan Xogta ku helney Waxaa weerarka fududeeyey Rag ka tirsan Villa Soomaaliya, Waxaa ka mid ahaa oo la carabaabay iyo Wiil uu dhalay Mu’adinka Masjidka ku yaal Madaxtooyada kasoo hogaaminayay weerarka, isagu weerarka ayuu ku dhintey.

Sidee wax u dheceen maanta

Rag ka tirsan Villa Soomaaliya ayaa fududeeyey in laba gaari oo kooxda Weerarka geystey ay leeyihiin oo waxyaabaha qarxa ka buuxaan ay soo galaan Villa Soomaaliya, maalinimadii hore ee maanta, Nin ka tirsan Villa Soomaaliya ayaa ka shakiyey dhaqdhaqaaqa iyo Dad uusan arki jirin oo dhaqdhaqaaq ka wada gudaha Madaxtooyada, nasiib daro isla markiiba ninkii waxaa khaarajiyey mid kamid ah kooxda weerarka geysan doonta, waxaana durba bilowdey rasaas, mid kamid ah Gawaaridii ay wateen ayaa isku dayay inuu baxsado, waxaana islamarkiiba rasaas huwiyey Ciidanka, Wadihii gaariga wuxuu ka gaaray inuu qarxiyo gaariga, kooxda intii kalena waxay dib ugu laabteen Madaxtooyada iyagoo gabaad ka dhigtey Xafiiska Raysal wasaaraha iyo nawaaxigiisa halkaas ayayna difaac ka galeen, Mudo kooban ka dib Ciidanka Amisom iyo Illaalada Madaxtooyada ayaa weerararay waxaana halkaas ka bilowdey israsaaseyn xoogan.

Kooxda weerarka qaadey oo Al-shabaab ahaa waxaa la xaqiijiyey in qaarkood mudo dheer oo maalmo ah ay iman jireen Madaxtooyada iyagoo lagu arki jirey gudaha Villada , waxaa hada xiran Madixii mid ka mid ah ragaas oo ahaa ninka ka dambeeyey in Al-shabaab ay soo galaan Gudaha Madaxtooyada.

Sida aan warka ku heyno khasaare badan ma dhicin, kooxda weerarka geysteyna ujeedkoodu wuxuu ahaa in ay dilaan Madaxweynaha Dowlada federaalka Mudane Xasan Sheikh.

Puntlandi.com
Muqdisho


Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

Trending Articles