Quantcast
Channel: admin
Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

Faafaahintii ugu dambeysey xaalada Villa Soomaaliya “Shabaab qadar haystey Xafiiska Raysal wasaaraha iyo Qaybo kamid ah Villa Soomaaliya”

$
0
0

Weerarkii galabta ay Al-shabaab kusoo qaadeen Villa Soomaaliya ayaa ahaa mid qorsheysan oo u sahley iney si degan ku galaan Madaxtooyada nasiib wanaag xiligaas Madaxweynaha iyo RaysalWar-Deg-Deg-ah wasaaraha midna ma joogin Villada, Al-shabaab waxaa usuura gashey iney si sahlan ku qabsadaan Xafiiska Raysal wasaaraha iyo nawaaxigiisa, lakiin cidna uguma aysan tagin oo durba shaqaale dhowra oo joogay way ka carareen.

Wararku waxay xaqiijinayaan in Al-shabaab ay Markey qabsadeen qayb kamid ah Villa Soomaaliya ay isku dayeen iney qaybaha kale qabsadaan balse waxay kala kulmeen difaac adag, waxaana halkaas ka dhacay dagaal adag, Ciidamada Dowlada iyo kuwa Amisom ayaa durba iskusoo urursadey Madaxtooyada qaybtii aysan al-shabaab soo galin waxaana ku guuleysteen iney dib gacanta ugu dhigaan goobihii al-shabaab ka qabsadeen Villa Soomaaliya, wararka aan heleyno waxay sheegayaan in kooxdii Weerarka soo qaadey ay gabi ahaan dhinteen ka dib markii ay ka dhamaatey rasaastii ay ku dagaalamayeen.

Xiliga Weerarku dhacayay Madaxweynaha iyo raysal wasaaraha midna ma joogin Villa Soomaaliya, Raysal wasaaruhu wuxuu joogay Gurigiisa halka Madaxweynuhu uu kulan kulahaa Garoonka Diyaaradaha Muqdisho.

Warar hoose oo aan helney ayaa sheegaya in heegan sare lagaliyey dhamaan Ciidanka Amisom ee Muqdisho ku sugan iyadoo Taliska u sareeya Amisom ay ka cabsi qabaan in weerarka Villa Soomaaliya uu ahaa bilow oo ay jiri karaan weeraro kale oo isla caawa dhaca.

Weerarkii galabta ka dib Raysal wasaaraha ayaa isugu yeerey saraakiisha ciidanka iyo Qaybo kamid ah Wasiirada waxayna ka arinsanayeen xaalada galabta dhacdey.

Madaxweynuhu wali wuxuu ku sagan yahay Garoonka diyaaradaha, waa sida aan wararka u dambeeyo ku heleyno.

Puntlandi.com
Xalane-Muqdisho


Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

Trending Articles