Kismaayo–8 Ogoosto,2013–Pi– Madaxweynaha Dowlada Jubaland Axmed Maxamed Islaam(Axmed Madoobe) ayaa boqolaal shacabka Kismaayo oo faraxsan kula tukaday Salaada Ciida magaalada isla markaasna ka jeediyey khudbad dheer, shacabka magaalada oo ay ka muuqatey in Ciidan ay uga duwan tahay 20 kii ciidood ee u Dambeyey oo ay magaaladu Mugdi ku jirtey ayaa si wayn ugu dabaal dagay Ciidii saaka.
Madaxweyne Axmed Madoobe wuxuu hambalyada ciida u direy Dhamaan shacabka Jubaland gudo iyo dibadba, salaadii ka dib wuxuu Madaxweynuhu Hotel Qiilmawaaye kula qadeeyey Qado ciideed qaar kamid ah Odoyaasha deegaanka oo ay iska wareysaneyeen Xaalada Guud ee Jubaland isla markaasna ay isla qaybsadeen Farxada Ciidul Fadriga.
Magaalooyinka Kismaayo, Garbahaaray, Buulo Xaaw, Buu’aale, Afmadow iyo Jilib ayaa iyana si wayn looga ciidey, inkastoo deegaanada Jubaland ay qaarkood wali ku jiraan gacanta Al-shabaab.
khudbada Madaxweynaha Waan idiin soo gudbineynaa , kala soco Wararkayaga dambe