Adis ababa–27 Juun 2014–Pi— Warar rasmi ah oo Dublamaasiyadeed oo ay heleen howlwadeenada Puntlandi ayaa sheegaya in Ciidamada Itoobiya oo ka tirsam AMISOM ay la wareegayaan guud ahaan Amaanka Koonfur Galbeed Soomaaliya.
Ciidamada Itoobiya ayaa hada waxay ku sugan yihiin Gobolka Bay iyo qaybo ka mid ah Bakool, Qorshaan cusubna waxay qorsheynayaan iney isku balaariyaan guud ahaan Gobolka Bakool, Shabeelaha Hoose ayaa ciidamada Amisom ee hada jooga waxaa kala wareegaya kuwa Itoobiya, Waxayna la wareegayaan amaanka Nr 50 ilaa Marka, Ka dib dibna waxay gaarayaan Xadka jubaland iyo Koonfurgalbeed.
Qorshahaan cusub ee Ciidamada Itoobiya ay kula wareegayaan amaanka Koonfurgalbeed ayaa ah wada shaqayn gaara oo Ciidamada Itoobiya iyo kuwa Kenya ay ku doonayaan Olole ka dhan ah Al- shabaab iyo sidii gacanta loogu siin lahaa lahaa Koonfur Galbeed iyo Jubaland iney gacanta ku dhigaan deegaanada hoos yimaada.
Wararka aan heleyno waxay intaa ku darayaan iney Itoobiya oo kaa shaneysa AMISOM iyo Qaramada Midoobey ay Maamulka imandoona ee Koonfur Galbeed ka caawinayaan dhinaca amaanka.
Arintaan ayaa timid ka dib markii La xaliyey khilaafkii Siyaasadeed ee Koonfur Galbeed ayna Dowlada Federaalka Soomaaliya ay ku guuleysatey iney isfahan iyo heshiis dhex dhigto kooxihii isku diidanaa siyaasada Koonfur Galbeed.
Wasaarada Arimaha dibada Itoobiya oo bilowgii Todobaadkaan soo dhaweysey heshiiska Koonfur Galbeed ayaa tiri sida “Itoobiya waxay balan qaadey hirgalinta Heshiiskii Adis ababa ee Maamulka Jubaland, Dowlada Federaalka Soomaaliyana waxay balan qaadey hada hirgalinta Heshiiskii Muqdisho ee Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Waxaana laga filayaa Dowlada Federaalka Soomaaliya hirgalintaa heshiiskaas.
Puntlandi.com
Adis ababa