Quantcast
Channel: admin
Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

(Sawiro) Madaxweynaha Dowlada Puntland oo sheegay in Puntland ay sanad wax ka yar yeelan doonto Garoon Diyaaradeed oo Caalami ah

$
0
0

Bosaso Airport–11 Juun.2014–Pi– Madaxweynaha Dowlada Puntland Mudane Cabdiwali Maxamed Cali Gaas oo maanta ka khudbeeyey Xaflad ka dhacdey Garoonka Diyaaradaha Bosaso oo lagu soo bandhigay Shirkada ku guuleysatey Qandaraaska Dhismaha Garoonka ayaa ku dhawaaqay magaca Shirkada nasiibka u heshey qandaraaskaan.

Madaxweyne Gaas wuxuu yiri “Waxasn idiin sheegayaa in Shirkada China Civil Engineering Constraction  Corporation (CCECC) oo shiinaha laga leeyahay ay ku guuleysatay dhismaha Bosaso International Airport shaqadana ay bilaabayaan dhowaan, waxaan kaloo idiin sheegaya in shirkadaan ay 9-bilood ilaa 12-bilood gudeheeh oo hada laga bilaabo ay howsha ku dhameynayaan, macnuhu waa Puntland waxay yeelaneysaa Garoon Diyaaradeed oo Caalami ah sanad gudeheed”.

Madaxweynuhu wuxuu sheegey in Qalabkii lagu dhisi lahaa Garoonka uu yaal dalka Jabuuti,dhowaana uu so gaarayo magaalada Bosaso.

Madaxweynaha oo shacabka la hadlayay wuxuu yiri “Amaanku waa muhiim Dowladuna way balan qaadey amaanka laakiin shacabka la’aantiis iyo ka qayb qaadasho la aantood waxbadan suura gali mayaan, waxaan shacabka farayaa iney kaalin muuqata ka qaataan sugida amaanka si horumar aan u gaaro”.

Dr. Gaas ayaa hoosta ka xariiqay in 5-ta sano ee soo socota ay ka badalnaan doonto 15-kii sano ee tagay,wuxuuna ku booriyay dadweynaha reer Puntland inay door ka qaataan illaalinta amaanka Shirkadda dhisaysa Garoonka Diyaaradaha Bosaso.

Shirkadda ku guulaysatay Qandaraaska ee maanta lagu dhawaaqay ayaa Warsidaha Puntlandi uu magaceeda akhristayaashiisa uso  48-dii saac ee tagtay,waxayna noqdeen akhristayaashii ugu horeeyay ee hela magaca Shirkadda iyo dalka laga leeyahay.

Waxaa xusid mudan in Muanasabada ay goob joog ka ahayeen;-Saraakiil ka socotay Hay’ada ”UNOPS”,xubno ka tirsan Golaha Xukuumadda,Culumaa’udiin,Hogaamiye dhaqameed iyo qaybaha kale ee Bulshada.

Hoos Ka Daawo Sawirada;-

post@puntlandi.com.

www.puntlandi.com.

1 6 2 3 10 4 7 8 5 IMG_5103 IMG_5116 IMG_5134 IMG_5137 IMG_5138 IMG_5141 IMG_5119 IMG_5144 IMG_5133 23 22 21 15 14 25 24 17 19

 

 

 

 

 


Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

Latest Images

Trending Articles



Latest Images