Waxaa lagu qabtay xarunta ganacsiga ee stockholm (World trad center stockholm) shir muhiim ah oo ay soo qaban qaabisay wasaarada ganacsiga ee sweden, shirkaasi oo loogu magac daray “fadhi kulameedka fursadaha ganacsi ee somalia ” shirkaasi oo lagu casumay dhamaan deegaanada somaaliyeed si cadaalad ah, iyagoo dhamaan ay soo wada dirsadeen Wafdi u matalaya.
Maamulada kasoo qaybgalay waxay ahaayeen puntland, Soomaaliland, jubaland iyo Dowlada federalka ah, shirku oo ah mid ku saleysnaa usoo badhigista ganacsiga iyo Maalgashiga suurta galka ah ganacsatada swedeishka ah ee ka cabsi qaba iney galiyaan hantidooda dal ay dhici karto iney ku tuhmayaan amni darro, iyo sidii loo abuuri lahaa Kalsooni buuxda, si ay u maal gashtaan ilaha muhiimka ah ee u baahan in wax laga dhiso,
shirkadaha aadka u daneynayay inaan helaan xog buuxda oo ku saabsan fursadaha ganacsi ee somalia waxaa ka mid ahaa, Volvo conbany, Erecson, Hifab International, iyagoo dhamaan xiriiro ganacsi ku wada leh geeska africa iyo eithopia, marka laga reebo somalia,
waxaase xusid mudan wasiirka gacansiga ismaamul goboleedka juba land Yaasiin Jaamac oo si qurux badan uga faalooda deegaanada ku teedsan kismaayo hadii swedishka ay maal gashadaan ay wax ka quudan karraan wax soo saarkaasi tirada soomaalida inteeda kale oo dhan,
Wafdiga Puntland ayaa iyana soo bandhigay fursadaha maalgashi ee ka jira deegaanada Puntland iyadoo ay aad ugu riyaaqeen kasoo qaybgalayaasha shirku.
waxaana lagu soo gabo gabayey is barasho iyo xog kala qaadasho, in kulamada danbe ay noqon doonaan mid wax badan u soo siyaadiya koboca suuqa dhaqaale oo somaliya,