Quantcast
Channel: admin
Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

Airport-ka Bosaso waxaa dhisaya Shirkad Shiineysa

$
0
0


Bosaso–9 Juun 2014– Pi Dhismaha Garoonka Diyaradaha Bosaso oo dhowaan bilaabanaya dhismihiisa ayaa waxaa dhismihiisa ku guuletstey Shirkad Shiineysa iney qandaraaska qaataan.

Shirkadaan ayaa iminka gacanta ku heysa dhismaha wadada tareenka ee isku xirta Itoobiya iyo Jabuuti, Waxay kaloo Jabuuti ka dhiseysaa Dekad weyn.

Shirkada Shiinaha ah ee ku guuleysatay dhismaha Garoonka Diyaaradaha Boosaso waxay sheegtey oo soo ban dhigtey qaabka ay u dhisayaan Garoonka, qaabkaasoo ah mid casri ah kana dhigaya Garoonka Mid Caalami ah oo ka dhigi doona Garoonka Diyaaradaha ee ugu casriyeysan Gayiga Soomaaliya.

Maalmaha soo socda ayaa lasoo bandhigi doonaa shirkadaan iyadoo maalmaha soo socdana ay bilaabayaan jowshooda.

Puntlandi.com
Bosaso


Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

Trending Articles