Quantcast
Channel: admin
Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

Jaaliyada Puntland ee Denmark oo xaflad taageerada Boqorka Daarood qabtay(Sawiro)

$
0
0

Copenhegan–07 Juun 2014–Pi– Jaaliyada Puntland ee Dalka Denmark ayaa Magaalada Copenhegan isugu timid Xaflad balaaran oo lagu Taageerayo looguna hambalyeynayo Boqorka Beelaha Daarood Boqor Burhaan Boqor Muuse.

Xafladda waxaa ka soo qayb galay soomaali aad u fara badan oo ka kala yimid magaalooyinka dalka Denmark. Xafladda waxaa ka hadley bulshada qaybahooda kala duwan sida aqoonyahanno, wakiilo ku hadlayey magaca odey-dhaqameedyada soomaaliyeed.

Sidoo kale Jaaliyada ayaa aad ugu hambalyeysay Boqorka iyadoo Boqor Burhaan Boqor Muse uu isna khadka teleefoonka uga qayb qaatey Xaflada, wuxuuna u mahad celiyey Jaaliyada.

Waxaa Khudbado ka jeediyey Xaflada Xubno ka tirsan Guddiga Jaaliyada, kuwasoo u mahad celiyey Xubnaha Jaaliyada ee Boqorka u hambalyeeyey.

Waxaa xusid mudan Gabdhaha Ka tirsan Guddiga Jaaliyada oo kaalin wayn oo qurxoon ka qaatey iskusoo duba ridka Xaflada Boqoka Beelaha Daarood Boqor Burhan Boqor Muse.

Sawirada hoos ka daawo

32

31

29

28

25

24

22

23

21

20

18

19

16

15

11

14

10

9

7

8

6

5

4


Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

Trending Articles