Uqaybsamaha Wasaarada Arimaha Dibada Maraykanka Arimaha Siyaasada Soomaalia Wendy Sherman oo maanta khudbad ku saabsan Soomaaliya ka jeedisay The United State Institute of Peace ayaa ka hadashay xaalada Soomaaliya iyo Xiriirka Soomaaliya iyo Maraykanka, iyadoo si qodo dheer ugasoo sheekeysey Burburkii Soomaaliya ilaa maanta halka xaalku marayo.
Wendy Sherman Waxay sheegtey in Dowlada Maraykanka ay ka go’antahay caawinta Soomaaliya, ayna hada Soomaaliya ka caawiyaan waxyaabo badan, Siyaasada Maraykanka ee Soomaaliya waa mid cad ayay tiri oo ku saleysan sadex qodob oo kala ah, Amaanka, Dhismaha Dowlad wanaaga iyo Horumarinta, Waxay Wendy Sherman sheegtey in Markii Maraykanku uu Dowlada Federaalka aqoonsadey in Madaxweyne Xasan Sheikh balan qaadey inuu sameynayo isbadal siyaasadeed uuna dhisayo kaabiyada Dowliga, Waxay sheegtey oo kale istaraatiijayada Maraykanka ee ku aadan kaalmeynta Soomaaliya taasoo ay tiri waa mid cad, Waxqabad walba oo aan Soomaaliya u qabanayno waa inuu ahaadaa mid natiijo dhala, ayna kaabiyada Dowliga ah ee Soomaaliya ay ahaadaan kuwo shaqaynaya.
Dhinaca kale Wendy waxay sheegtey in Madaxweyne Barack Obama uu go’aansadey in uu Safiir u magacaabo Soomaaliya, mar Wax laga waydiiyey wakhtiga safiirka loo magacaabayo Soomaaliya way ka gaabsatey iney sheegto xili cayiman, waa markii ugu horeeyey mudo 22 sano ah oo Maraykanku uu safiir usoo dirsado Soomaaliya, bishii janaayo 1991 ayay dowlada Maraykanku safiirkooda kasoo qaateen Soomaaliya.
Wendy Sherman Waxay tiri “Maraykanka waxaa ka go’an oo ay diyaar uu u tahay inay Soomaaliya caawiso hadii Soomaali ay iyagu Midoobaan, Soomaaliya waxaa laga rabaa laba inay mid doortaan, Inay Qabibiil qabiil iyo koox koox u kala socdaan oo ay sidaas caalamka uga haraan iyo Qodobka kale oo ah iney Midoobaan oo ay hal Wadan noqdaan taasna waxay u furaysaa in Aduunku cawiyo, Dowlada Maraykankuna waa daba istaagaysaa Soomaaliya markaas.”
Puntlandi.com