Wendy Sherman oo ka tirsan Wasaarada Arimaha Dibada Maraykanka, qaabilsana Arimaha Soomaaliya ayaa maanta(Talaado ) soo bandhigi doonta Istaraajiyada Siyaasada cusub ee Dowlada Maraykanka oo ku aadan Soomaaliya(U.S. Foreign Policy in Somalia), Istaraajiyadaan Cusub oo ka kooban Nasbadeynta, Dajinta xaalada siyaasadeed iyo Horumarinta Soomaaliya ayaa waxaa si wada jira usoo bandhigi doonaa Wendy Sherman iyo Ambassador Johnnie Carson oo ah La taliyaha Madaxweynaha Maraykanka Arimaha Soomaaliya.
Dowlada Maraykanku waa wadanka bixiya dhaqaalaha ugu badan ee Beesha calamku ku bixiso Soomaaliya, Dhaqaalaha ku baxa Howlgalka Amisom iyo UNSOM waxay Maraykanku bixiyaan ugu yaraan 60%.
Khudbadaha Wendy Sherman iyo Ambassador Johnnie Carson ay kusoo bandhigayaan Siyaasada cusub ee Arimaha Dibada Maraykanku ugu talagaleen Soomaaliya waxaan isku dayaynaa inaan si toosa idiinkusoo tabino galabta abaaraha makhribkii 18:00 saacada Soomaaliya, ee kala soco Puntlandi.com.