Wasaarada Arimaha Dibada ee
Dowlada Mareykanka ayaa Dowlada Itoobiya soo gaarsiisey digniib ku saabsan weeraro ay qorsheynayaan in Al-shabaab ay ka fuliyaan gudaha Itoobiya.
Safaarada Maraykanku ku leeyahay Adis ababa oo lasoo xiriirtey Wasaarada Arimaha dibada Itoobiya ayay macluumaadkaan u gudbiyeen.
Sida lagasoo xigtey illo diblamaasiyadeed Dowlada Itoobiya oo Ciidankoodu joogo Soomaaliya ma ay dhayalsan doonaan Digniintaan.
Sargaal Mareykan ah ayaa lagasoo xigtey inuu yiri “Warar sirdoon oo aan helney waxay sheegeen dhaqdhaqaaq ay Al-shabaab damacsan yihiin iney weeraraan gudaha Itoobiya, macluumaadka aan helney waan la wadaagney Saaxiibadayo Itoobiya”.
Dignintaan ka timid Maraykanka waxay kusoo beegmaysaa xili ay Dowlada Jabuuti shaacisey in labadii qof ee todobaadkii hore isku qarxiyey Makhaayad ku taal Jabuuti uu midkood ka yimid Magaalada Dirirdhabe ee Dalka Itoobiya.
Puntlandi
Adis