Nairobi-7 Ogoosto,2013–Pi– Iyadoo laba maalmood uu Wafdi ka socda Jubaland ku sugnaa Nairobi kuwasoo Qorshuhu ahaa iney aadaan Adis ababa si ay uga qaybgalaan Wadahadalada Dowlada federaalka iyo Dowlada Jubaland ayaa hadana maanta amar kasoo baxay Madaxtooyada Jubaland waxaa amar lagu siiyey Wafdiga ineysan dhaafin Nairobi, wadahadaladana ay Jubaland qaadacey ka qayb galkooda.
Wafdiga Nairobi ku sugan oo uu hogaaminayo Madaxweyne Xigeenka Jubaland Cabdullaahi Farataag ayaa iyana maalmahaan Wadatashi la lahaa Siyaasiyiin ka tirsan Jubaland, Wadahadal dheer ka dib Wafdiga oo la tashanaya Madaxweynaha Jubaland waxaa la go’aan sadey in ay Jubaland gabi ahaan joojiyaan Wadahadaladii u socdey iyaga iyo Dowlada Federaalka ah.
illaa beri waxaa lasugayaa in Dowlada Jubaland ay war cad kasoo saaraan Qaadacadaa ay qaadaceen Shirka Adis ababa uga furmi lahaa iyaga iyo Villa Soomaaliya.
Jubaland waxay maanta ogaysiiyeen Wadamada IGAD ineysan ka qayb galayn Wadahadalka,iyadoo IGAD na ay garoowsadeen sababaha ay Jubaland sheegteen.
Puntlandi.com
Nairobi