16-kii april ee sanadkan ayaa codsi ku saabsan in la aqbalo Somaliland loo soo gudbiyay Golaha Degaanka ee magaalada Oslo. Codsigaa waxaa soo gudbintiisa ka mas`uul ahaa Bashe Muse “BM”, Ninkaan wuxuu xubin ka yahay Golaa Deegaanka ee Magaalada Oslo, wuxuuna kusoo galay magaca Soomaalida. Taa waxaa sii xigtey in hadana la soo gudbiyay codsi kale oo lagu doonayo in uu Baashe Muuse iska casilo xilka uu isku magacaabey inuu u yahey oo ah “gudoomiyaha bulshada”.
Golaha degaanka Oslo awood ma u leeyahay xalinta arrintaa?
Siyaabooyin kale gedisan ayaa codsi loogu soo gudbisan karaa golaha degaanka ee magaalada Oslo. Qeyb ka mid ah sharciga golaha degaanka ayaa sheegeya in muwaadaniinta gobolka deggeni ay arrimahooda u soo bandhigan karaan golaha degaanka, Waxayse ku xiran tahay ineey soo buuxiyaan shuruudda ay ka mid tahey: Ugu yaraan 300 oo cod waa in lahayaa oo codsigaa ama arintaa la soo bandhigaya taageersan, Waa in codsiga la soo bandhigayaa uu yahey mid quseeya oo dani ugu jirto bulshada degan degaankaa, Waa in golaha degaankaa awood u lahaan karaa inuu xalin karo codsigaa.
Hadaba codsigaa uu Baashe u soo gudbiyay qaar ka mid ah shuruudahaa ayuusan buuxin, Dhanka baahida bulshada aan la nool nahney: Ugu yaraan 630 000 oo qof ayaa ku nool
magaaladan Oslo oo baahidoodu ay ku saleys naan karto sidii loo wanaajin lahaa wax barashada, caafimaadka, wadooyinka ,guryaha iwm. Oo aysan dan iyo baahi ugu jirin somaliland hala aqoonsado iyo yaan la aqoonsan.
Dhanka awooda, Golaha degaankan awood uma laha in ay arinkan hirgeliyaan, Somaliland kama mid aha degaanka Oslo ama gobolada Norwey. Waa gobol ka tirsan Somalia. Ma jirto aduunka meel aqoonsatey. Norweyna noqon meyso dalkii ama dadkii ugu horeeyay oo arintaa bilaaba. Arintan waxan u arkaa iney tahey arin u taala bulshada soomaliyeed marka koowaad.
Sidaa darted gunaanudku waxuu noqon natiijo aan meel gaarin.
Maxaa kalifey arinkan?
Dagaal sokeeye oo aad u dheer kadib maanta Somalia waxay u socotaa dhanka nabada. Waxey u egtahey dal iyo dad dagaalkii iyo neceybkii ka hor yimid oo doonaya sidii ay nabad iyo horumar ay ku gaari lahaayeen uga wada tashtaan. Umana baahna waqtigan in dib loogu celiyo isqabiileysi, dagaal iyo is neceyb.
Meelo badan oo wadanka ka mid ah waxaa usoo noqday xasilooni iyo kala dambeyn. Sidoo kale waxaan ognahay in Somaliya ay ku heshiisey oo ay qaadatay nidaamka Federaalka ah, taasoo ah in labadii gobol iyo in ka badanba ay xaq u leeyihiin inay sameystaan maamul goboleed hoos yimaada dowladda dhexe.
Dhulka Somaliyeed ee la magic baxay Somaliland waa dhul Somaliyeed waxaana ku nool beelo badan oo aan isku fikrad ka ahey arrintan uu BM soo bandhigay. Mana aha dhul ay hal beel leedahay. Waxaa maanta ka jira ilaa labo gobol dawladeed iyo weliba gobolo kale oo aan dooneyn inay Somaliya ka go`aan sida: Awdal State of Somalia, Khatumo State iyo Gobolka Sanaag oo iyagu kamid ah dawlad goboleedka Puntland.
Hadaba maxaa BM ku kalifay inuu bulshada Somaliyeed oo tooda la ciirsan inuu maanta arinkan soo dhex dhigo?
BM waa nin la yaqaan, ka mid ah xildhibaanada magaaladan. Waa nin isku magacaabey inuu yahey gudoomiyaha bulshada soomaaliyeed. Su`aasha mudan oo u baahan in leys weydiiyaa ayaa ah “YUU BM U YAHEY GUDOOMIYE? Ma Somaliland buu gudoomiye u yahey mise somaliweyn?
Waxaan hadalkeyga ku soo gunaanudi: Somalia kala qeybsami meysee dhibka hala daayo.
Wasalam
Ubah A. Aden