C.Laahi Maxamuud Yuusuf “Olol” iyo xaaskiisa iyo caruurtiisa iyo dhammaan Reer Maxamuud Yuusuf Olol meelkasta oo ay joogaan waxay tahniyad farxadeed u dirayaan Caruuska C.Raxmaan Maxamuud Olol iyo Caruusadda Xafso Shiikh Aadan (Afguriye) oo arooskoodu maanta (29.5.2014) ka dhacay masaajidka ugu wayn waddanka Finland, magaalda Helsinki.
Waxaa hambalyo taas la mid ah iyana diraya hooyada iyo abaha dhalay Xafso. Hooyo Abshiro iyo Aabe Aadan iyo caruurtooda, waxayna ilaah uga baryayaan inay noqdaan kuwii isku waara, ubad khayr lehna kala hela.
Ugu danbayn waxaa iyana hambalyaynaya caruuska iyo caruusadda dhammaan asxaabtooda, eheladooda iyo Soomaalida Helsinki oo iyagu maanta goobjoogga ka ahaa xafladdii arooska ee maanta ka dhacday masjidka wayn ee Pasil, Helsinki. Waxay dhammaantood u rajaynayaan caruusadda iyo caruuska inay noqdaan kuwii isku waara, wada farxa, ubad khayr lehna ilaah kala siiyo. Aamiin! Aamiin! Aamiin!
Mahadsanidiin
Waalidiinta caruusadda iyo caruuska.