Quantcast
Channel: admin
Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

Garowe City Basketball waa halyeeyda Bariga iyo Bartamaha Afrika, Kaalinta koowaad waxaa xoog ku qaatay waddan aan ku jirin bariga iyo bartamaha Afrika

$
0
0

GAROWE TEAMGaroowe City ma galin kaalinta labaad ee waxay galeen kaalinta koowaad. Kaalinta koowaad waxaa xoog ku qaatay waddan aan ku jirin bariga iyo bartamaha Afrika(Masar, ) Masar Waxay ku taal Waqooyiga Afrika laakiin koobkaan wuxuu ahaa mid ay ku baratamayaan kooxaha dhaca Bariga iyo Bartamaha Afrika, waana su’aal taagan una baahan in dacwad laga furo sababta Masar oo Waqooyiga Afrika ku taal ay ula ciyaarto Bariga Afrika iyadoo Waqooyiga Afrika ay leeyihiin Koobkaan oo kale, Kooxda Garowe waa horyaalka Bariga iyo Bartamaha waayo Masar oo ku taal Waqooyiga Afrika, islamarkaasna Waqooyiga Afrika waxay leeyihiin koob kan oo kale ah oo ay Ciyaaraan Wadamada Waqooyiga oo qura.

 Kubadda Koleyga ee Afrika

Sanadka markuu ahaa 1961 ayaa la sameeyey waxa loogu yeero FIBA Afrika, Xarumaha  FIBA Afrika waxay ku kala yaaliin waddanka Masar magaalada Qaahira iyo Ivory Coast magaalada Abidjan.

 

Kubadda Koleyga afrika waxaa loo qaybiyey 7 qeyb[7 Zone].

Zone 1: Algeria, Libya, Morocco, Tunisia.

Zone 5: Burundi, Egypt, Eritrea, Ethiopia, Kenya, Rwanda, Somalia, Sudan, Tanzania, Uganda.

Zone-yda kale waxay kala yihiin Zone 2 [8 waddan], Zone 3[8 Waddan], Zone 4[8 Waddan], Zone 6[10 Waddan], Zone 7 [5 Waddan]. Sida loo qeybiyey waddamada maaha mid laysku dheelitiray. Zone 1 waxaa ku jira oo kaliya 4 waddan meesha Zone 5 iyo Zone 6 ay  midkiiba yihiin 10 waddan.

Kubadda Cagta ee Afrika

Kubadda cagta ee afrika waxaa iyana loo qeybiyey Zone sida kubadda Koleyga.

Zone 1 North Zone  : Algeria, Egypt,Libya, Morocco, Tunisia.

Zone 5 Central-East Zone:  Burundi, Djibouti, Eritrea, Ethiopia, Kenya, Rwanda, Somalia, South Sudan, Sudan, Tanzania, Uganda[waddanka Egypt kuma jiro].

Waxaa lala yaaban yahay siday ku dhacaday in Masar marna noqoto North Zone marna noqoto Central-East Zone. Taas waxaa lagu micneeyey in waddanka masar uu yahay waddanka sidaas u degsaday shaxda, maadaama xarunta Fiba Afrika ku taal waddanka Masar. Masar way ogtahay inay marka kubadda Koleyga la ciyaarto Zone 1 aysan ka soo bixi karin halkaas, dabadeed waxay xoog ku soo gashay Zone 5 Central-East Zone.

Halyeeyadeena Garowe City Basketball waxaa loo qiray inay yihiin kuwo sita koobka Central-East Afrika.

Waddamada Central-East Afrika ee kubadda koleyga waxay muddo badan isku dayeen in Masar laga saaro Central-East Afrika, balse Masar waxay dhaqaale badan ku bixisaa inay halkaas ku jiraan. Dhaqaalaha laaluushka waddamada la siiyo waxaa ugu horreeya waddanka Soomaaliya, si uu ugu coddeeyo marka codeyn la gaaro.

www.puntlandi.com.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

Trending Articles