Kismaayo–14 May 2014—Pi— Ciidamo ka mushaar qaata Dowlada Federaalka ayaa totobaadyo ka hor waxay bilaabeen Dagaal ay la galeen Ciidanka Deegaanka tasoo dhalisay in dagaaal uu ka dhaco dhowr jeer Magaalada BaladXaawo.
Dhowrkaas jeer Ciidamada Dowlada Federaalka Itoobiya ayaa soo kala dhex galay, laakiin todobaadkaan ayaa Magaalada Dagaal culus uu ka dhacay, Kasoo u dhexeeyey Ciidan ka Ka amar qaata Dowlada Federaalka iyo Ciidanka Jubaland.
Dowlada Itoobiya ayaa shalay amar ku bixisey in labada Ciidan ee is hayaa ay awoodooda kala hortagaan Shabaabka heysta wali deegaano ka tirsan Gedo ayna joojiyaan Dagaalka u dhexeeya dhexdooda.
Ciidan Xoogan ayay Itoobiya soo gasheen Magaalada waxayna amar ku bixiyeen xabad joojin deg deg ah.
Dhinaca kale Madaxweynaha Dowlada Jubaland Axmed Madoobe ayaa isna dhiniciisa ka wada dadaal lagu joojinayo Dagaalada ka soo noqnoqonaya deegaanka, wuxuuna qorsheynayaa inuu Gedo u diro Ergo sulux kasoo sameysa deegaanka.
Raysal wasaare Cabdiwali Sheikh Axmed ayaa baajiyey Safar uu ku tagi lahaa Puntland xaalada Baladxaawo awgeed, wuxuu isna dhiniciisa ka wadaa dadaal lagu joojinayo colaada ka hureysa deegaanka.
Puntlandi.com
Kismaayo