Baydhabo–12 May 2014–Pi– Qaraxa oo ahaa mid uu gaari waxyaabaha qarxa ka buuxaan uu goob lagu shaaheeyo la galay Nin nafti halige ah wuxuuna galaafsadey 12 marxuum, dhaawucuna waa 18, waxaa sidaas Puntlandi u xaqiijiyey sargaal ka tirsan Ciidanka Itoobiya ee ku sugan Baydhabo.
Warar kale oo waxaa iyana jira in Qaraxa lala damacsanaa in lagu Khaarajiyo Gudoomiyihii hore ee Gobolka Bay Mudane C/fataax Ibraahim Geesey balse isaga waxba masoo gaarin.
Wararku waxay intaa ku darayaan in Dadka dhintey Sadex ka mid ah ay ahaayeen illaalada Mr. Geeseey.
Maamulka Gobolka wali kama hadlin qarax.
Illaa hada waxaa Qaraxa Cambaareeyey kana tacsiyeey oo qura Nickolos Kay Madaxa UNSOM.
Dowlada Federaalka wali kama hadlin qaraxa.
Puntlandi.com
Kismaayo