Madaxweynaha Dowlada Federaalka Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud oo Shalay Dalka kusoo laabtey xili ay 133 Xildhibaan ay Madaxweynaha ugu baaqeen inuu is casilo.
Madaxweynaha ayaa shalay laga sugayay inuu khudbadiisa uu kusoo qaato baaqa Xildhobaanada iyo Jawaabta uu siinayo.
Khubdadii Madaxweynaha waxay noqotey mid uu kusoo koobo Xoriyada hadalka isagoo yiri “Shacabka Soomaaliyeed xor bay u yihiin iney cabiraan mowqifkooda, waana soo dhaweynayaa,waxaan ku faraxsanahay in Dowladnimadeena ay keentey in Shaqsi walbaa si xor ah uu u hadlo, Dowladihii hore afkaa la is qaban jirey”.
Hadalka Madaxweynuhu wuxuu ka dhignaa in Xildhibaanadu ay iska hadleen hadalkooduna uusan wax macno lahayn.
Khudbada Madaxweynaha ayaa ahayd mid uu hadalka kusoo koobey in Kooxwalba ama Shaqsi kastaa dhaliili karo Dowlada wuxuuna yiri “Shacabka waan dhagaysanayaa waana uga jawaabayaa afkaarta ay qabaan”
Waxaa la sugayay in uu Madaxweynuhu uu ka hadlo kacdoonka Xildhibaanada iyo inuu jawaab ka bixiyo eedeymaha loo soo jeediyey.
Siyaasad ahaan hadalka Madaxweynuhu wuxuu muujinayaa in kacdoonka ka dhanka ah isaga ee ay wadaan Xildhibaanada Baarlamaanka ay dharbaaxo siyaasadeed oo uusan fileyn ay ku noqotey.
Xalay ilaa saaka waxaa Villa Soomaaliya ka socdey kklamp iyo dadaalo looga hortagayo kacdoonka ay wadaan qaar ka mid ah Xildhibaanadu.
Puntlandi.com
Muqdisho