Muqdisho– 7 may 2014–Pi– Inkastoo Gudoomiyihii hore ee Gobolka Bsnaadir Mudane Tarsan uu macalin ku ahaa abaabulka Bulshada iyo Abaabulida Mudaharaadyada ayaa hada waxaad moodoo in Gudoomiye Muungaab uu cashar ka bartey Gudoomiyihii isaga ka horeeyey Mr. Tarsan.
Maanta waxaa wadada Maka Al Mukarama lasoo dhoobey Shacab u badan Haween iyo dhalinyaro kuwasoo laga keeney qaar ka mid ah Degmooyinka Muqdisho si ay u taageeraan Madaxweyne Xasan Sheikh oo maalmahaan Cadaadis siyaasadeed saaran yahay.
Mudaharaadayaasha ayaa loosoo dhiibey Boorar ay ku muujinayaan inay kasoo hor jeedaan in Madaxwehnuhu is Casilo isla markaasna lagu taageerayo madaxweynaha.
Boorarka waxaa kaloo ka mid ah kuwo lagu dacaayadeynayo Xildhibaanadii dhowaan ku shirey Muqdisho ee codsadey in Madaxweynuhu is casilo.
Madaxweynaha Dowlada Federaalka Soomaaliya Xasan Sheikh ayaan ilaa hada dhiniciisa ka hadal eedeymaha ay usoo jeediyeen in ka badan 133 Xildhibaan.
Puntlandi.com
Muqdisho