Madaxweynaha Dowlada Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheikh Maxamuud ayaa Galabta u dhoofey dalka Itoobiya halkaasoo uu kula kulmi doono Madaxda Itoobiya.
Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Maxamed Cusmaan Jawaari oo ka warbixiyey safarka Madaxweynaha ayaa sheegey in Madaxweynuhu uu Adis kula kulmi doono Madaxda Itoobiya.
Safarka Madaxweynaha oo maalmo ka hor qorsheysnaa ayaa markii hore ujeedkiisu ahaa inuu la kulmo Xoghayaha Arimaha dibada Maraykanka John Kerry balse kulankaas waxaa baajiyey Wasaarada Arimaha dibada Maraykanka iyadoon la sheegin wax sabab ah.
Hada waxay u muuqataa in Wasiirka Arimaha dibada Itoobiya uu biririf ka siin doono madaxweyne Xasan sheikh waxyaabihii ay kala hadleen Wasiirka Arimaha dibada Maraykanka.
Puntlandi.com
Niarobi