Madaxweynaja Jubaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) oo maanta shir jaraa’id ku qabtey Kismaayo ayaa si kulul u dhaleeceeyey Dowlada Federaalka, isagoo sheegey in Dowlada Federaalka ah aysan ku socon wadadii Dowladnimada iyo tii loo doortayba.
Mar uu ka hadlayay Hadal haynta iyo eedaha ay Dowlada Federaalku eedeynayso Ciidamada Kenya ayuu Yiri “War aanaga Jubaland ahaan markii horeba Dagaal baan ku soo galney Shabaabna waan iska celineynaa, Xalay waad maqlayseen wixii Xamar ka dhacay, Waxaanu diyaar u nahay in Ninkayaga u dambeeya uu dagaal Shababaab ka saaro dhulkayaga, Amisom ciidamada iyagu dhiigooda Daadinaya oo dhibka badan soo gaarayo, hadaan diyaar loo ahayn Kuligoodba ha baxeen, Bal cida Taangi lagu illaaliyaan arkeynaa, cida Konteenar ku jirta iyo cida Fuustooyin lagu ilaaliyaan arkeynaa iyo Cidii Gurigiisa laga bixiyo, Anagu Waxba kama sheegeyno Amisom, Ugandhays ha ahaadeen ama Kenyaan ha ahaadeene, waa Dad walaalahayo ah oo noosoo gurmaday.. LAKIIN maalin walba in iyagii la haysto, Dowladu iyadii baa gurigii Madaxtooyada illaalin la’a oo Tangi Amisom lagu waardiyaynayaa, Maalin walbana Amisom bay waxka sheegayaan, Waxaan Beesha Caalamka u sheegayaa BAHASHAAN SHABAAB BAA LOO WADAA IN LOO GACAN GALIYO oo loo celiyo, dowladii hore meeshii ay uga tagtay dowladnimada dhulkey ugasii dhacdey,”
↧
Daawo Axmed Madoobe oo yiri “War waa iyada afka lagu hayo Amisom ee haday baxaan yaa looga xun yahay, Anaga Taangi Amisom nanakuma waardiyeeyee”
↧