Shalay oo ay taariikhdu ahayd 18 apr.2014 Dalka Denmark gaar ahaan magaalada Aarhus Waxaa ka dhacay shir muhiim ah oo ay jaaliyada Jubooyinka yeesheen, shirkaas ayaa ujeedadiisu ahayd siddii sare loogu qaadi lahaa waxqabadka ururka ee ku aadan wadanka Soomaliya gaar ahaan Jubooyinka, ugu horeyn waxaa shirka aad loogu taageerey loona soo dhaweeyey Safarkii Raysal wasaare cabdiwali Sheikh uu ku tagay Kismaayo iyo Howshii uu ka qabtey Jubaland iyadoo jaaliyadu ay ayidey barnaamijkii nabadeynta ee uu ku guuleystey Raysal Wasaaruhu.
Shirka ayaa waxaa kasoo qaybgalay siyaasiyiin, waxgarad iyo qaybaha kala duwan ee buslahada. Waxaa shirka khudbooyin ka jeediyay siyaasiyiin dhawaan ka timid Jubaland.
Qodobada ugu badan ee laga wada hadlay ayaa ahaa siddii loo yarayn lahaa dagaalada iyo colaadaha soo jiitamay Iyo dib udhiska deegaanka gaar ahaan caafimaadka, waxbarashada, shaqo abuurida dhalinyarada iyo sidii gacan loo siinlahaa dadka naafada ah.
Waxaa sidoo kale ka soo baxay shirka baaq lagu taageerayo dadaalada dib uheshiisineed ay wada wadaan Raysal wasaaraha Soomaaliya C/weli shiikh iyo Dowlad Goboleedka Jubaland.
Waxaa kaloo labooriyay in yareeyo wixii keenikara nabad la’aanta iyo xasiloonidarada Gobolka. Waxaa kale oo la isfaray in laga wada shaqeeyo dhamaan gude iyo dibadba nabada iyo horumarka gobolka.
Ugu danbayntii waxaa laysku raacay in xiriir joogta ah lala yeesho wadamada kale ee dibada si loo gaaro wax qabad la taabankaro oo dhaliya natiijo fiican.