Xaalada magaalada Taleex ayaa xiligaan ah mid aad u kacsan ka dib markii Ciidan uu hogaaminayo Gudoomiyihii hore ee Degmada Taleex u qaabilsanaa maamulka Khaatumo Mudane Jaamac Canshuur ( Ilweyn) oo wata Ciidamo deegaanka oo taageersan Maamulka Hargaysa ayaa soo gaaray duleedka magaalada Taleex.
Maalmahii ugu danbeyey ayaa waxaa magaalada Taleex ka socday dhadhaqaaqyo ay wadeen maamulka Khaatumo, oo u ololeynayey shir ay ugu magacdareen shirwynahii 3aad ee maamulka Khaatumo in lagu qabto Taleex.
Wararka ka soo baxaya Taleex ayaa sheegaya ayaa in madaxweyne Indhosheel iyo maamulkiisu in aanay ilaa hadda qaadin wax talaabo iyo diyaar garow ah oo ay uga hortagayaan ciidanka cadowga ah ee mudo ka badan hal usbuuc isku uruursnayey meel u muuqata magaalada Taleex.
Warar hadda soo gaaray Puntlandi ayaa sheegaya in afhayeen u hadlay maamulka khaatumo oo lagu magcaabo Cali Mareykan ayaa ugu baaqay madaxda iyo dawlada Puntland in ay difacaan Magaalada Taleex, iyadoo waqti sii horeysay uu maamulka khaatumo hore ugu dhawaaqay in ay ka madaxbanaan yihiin Maamulka Puntland, isla markaana Taleex tahay caasimada Khaatumo.
Wariyaha Puntlandi ee magaalada Garoowe ayaa ku soo warmaya in uu halkaasi ka socdo shir looga arinsanyo xaalada magaalada Taleex, inkastoo sida muuqata labada kooxood ee hadda isku haya Taleex ee kala ah maamulka cadowga ah ee Hargeysa ee duulanka ku ah Taleex iyo kooxda Khaatumo ay labduba ka mideysan yihiin cadaawada Maamulka Puntland
Puntlandi
Garoowe