Quantcast
Channel: admin
Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

Dowlada Federaalka oo heshiis qarsoodi ah oo ku saabsan baarista shidaalka la saxiixatey British Petroleum

$
0
0

London–14 Apr.2014–Pi– Dowlada FederaalkaBP Soomaaliya ayaa heshiis Qarsoodi ah oo ku saabsan Shidaalka Soomaaliya ku jira waxay la saxiixatey Shirkada British Petroleum oo ah tan ugu wayn Ingiriiska ee ka shaqaysa shidaalka, heshiiska waxaa qayb ka ah shidaalka ku jira Puntland, waxayna shirkada iyo Dowlada Federaalku heshiiska kala saxiixdeen iyadoon Puntland waxba ka ogayn.

Sida laga soo xigtey qoraal ay maanta daabaceen  Intelligence Breif waxaa heshiiska ka mid ah shidaalka ku jira Puntland oo la sheegey inuu yahay kan ugu badan ee Soomaaliya ku jira.

Wargeysku wuxuu kaloo qoray in hadii lasoo saaro Shidaalka Soomaaliya ku jira ay soomaaliya dhaafayso Wadamada Kuwait iyo  Nigeria  isla markaasna soomaaliya noqonayso wadanka 7 ee aduunka shidaalka ugu badan soo saara.

Heshiiskaan Qarsoodiga ah ee dhexmaray koox ka socda Dowlada Federaalka ah iyo shirkada British Petroleum ayaan la garanayn sababta ay Dowlada Federaalka ah heshiis intaas baaxad le’eg ay u saxiixeen iyagoon awoodin in ay shirkadahaas siiyaan awood ay kaga howlgalaan Deegaanada shidaalku ku jiro ee heshiisku ku saabsan yahay.

Wali Puntland kama aysan hadlin heshiikaan Qarsoodiga ah ee Shirakada British Petroleum lala saxiixdey.

Puntlandi.com

London


Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

Latest Images

Trending Articles



Latest Images