Haddaba waxaan doonayaa inaan isdul taago, waxyaabo badan oo aan wax kaga iftiiminayo dhibaatooyinka iyo Faa’iidooyinka ay Ardayda soomaaliyeed ka dhaxleen, Imaatinkoodii Dalka china . Waxaan Rabaa inaan meelo badan isha la raaco; Hab Nololeedka Ardayda, Caqabaddaha soo wajaha ardayda, La noollaanshaha Bulsho Dhaqan-ahaan aan Aad u kala fognahay,Talo aan siinayo ardada iskoolada kabaxday iyo Gunaanad
Nolosha Ardayda
Dalka china waxaa uu ka mid yahay, Dalalka Noloshooddu ay dhexdhexaadka tahay, Marka loo eeggo Dalalka kale ee ku yaalla Asia. Inkasta oo uu sicir bararka Guud ee dunida oo dhan saameeyey uusan ka marneyn china, Laakiin hadana Ardayda Soomaaliyeed waa ku qanacsan yihiin Nolosha dabacsan ee dalkan ay ku haystaan.
Noloshu waa isku dhow dhowdahay waxaana kala qaalisan maciishada magaalooyinka kala duwan ee shiinaha.Ardayga sanadkii waxaa ku filan ugu yaraan 4300.00 ilaa 500 Doolarka Mareykanka. waxaa ku jira kirada guriga iyo cuntada ardayga.Waxaa haddaba Imaan kara kharashaad kale oo qarsoon sida Tikidka Diyaarada, Daawo, Buugaag, iyo Dhar lagu labisto ama laga xirto dhaxanta.Sanad kasta waxaa la baxshaa marka waxbarashadu bilaabmayso ee la is diwaan galinaayo waxay Rabaan in sanadkii hal mar la shubo laba waqti lama kala bixin karo.Hadii kale waxaa jiraaya Ganaax.
Kirada Guriga ayada waa la yar yareyn karaa balse ayadana ma ahan bil bil in loo baxsho waxaa loo baxshaa ugu yaraan saddex biloodle.ama lix biloodle.
Waqtiga jaamacadha Caafimaadku waa lix sano, Injineeriyadda (Engineering) waa afar sano.dhammaantood waana go’aan ka yimid wasaaradda waxbarashada ee dalka shiinaha, Lixdaas sano ama afartaas sano ka bacdi waxaa ardaygu qaadanayaa shahaadada koowaad ee loo yaqaan bachelorka (Bajulaar).Wuxuu u baahan doonaa inuu takhasus sameeeyo oo qaadanaya dhinac caafimaadka saddex sano,dhinaca Injineeriyadda waa labo sano.Markuu dhameeyo hore waa ka bilaabi karaa takhasus
Intabadan Ardaydu waxaa ay dagaan hosteelka jaamacada iyo Banaanka, ardadu waxay dagaan guryo kira ah, waxayna u wada dagaan sida ay hadba isku kuliyad u yihiin ama isku Sanad amaba isku fahamsanyihiin, Si loo yareeyo canaabta ka imaan karta kharashaadka baxaya. Waxaana Ardaydu ay wada Noollaashahooda ku Saleeyaan hab maamuus iyo xeer Hoosaadyo iyaga u gaar ah si looga bad-baado, isku dhac ama khilaafaad ka dhasha habsami u socodka Nolol maalmeedka caadiga ah.
Caqabaddaha Ardayda soo wajaha
Waa hubaal in caqabaddo aad la kulmayso, Marka aad Dal shisheeye oo aadan hore waxbadan uga ogeyn aad u soo waxbarasho doonato. Laakiin, Caqabad waliba waa laga dabbaalan karaa, Waa haddii xalkeeda iyo halkay ka sahlan tahay laga maree. Caqabadaha ardayda soomaaliyeed, ka soo wajaha dhanka waxbarashada waxay kala yihiin sida tan
1. Culeys shaqsi-ahaanneed oo ardayda soo foodsaara Arintani waxay noqon kartaa mid gaar-ahaanneed oo arday kasta si gaara u soo wajihi karaysa. Tusaale ahaan, Ardayga oo laga yaabo innaanu ku qanacsaneyn kulliyadda (Faculty) uu baranayo, oo ay suura gal tahay in waalidku ku dirqiyeen oo aanay go’aankiisa ahayn.
2.luuqada englisha oo aan la barin ardayga
Xagga luuqadaha waxaa ka jira in ardayda somalia katimaadaa ay luuqadooda ingiriisku xuntahay ayna dhib kala kulmaan waxbarashada waayo shiinuhu marna kuma barayaan luuqadda oo waxay ka mid ahayd shuruudaha lagu aqbalaayo
Waxaa fiican in ardayga la soo baro afka ingiriiska intaan loo soodirin shiinaha
3.Masaajidada oo ka fog jaamacadihii
jaamacadaha gudahoda lama oggola in lagu tukado oo waxeey leeyihiin Masajidada aada oo meel aaan masjid ahayn ama Gurigaaga looma oggola in diin lagu caabudo .Masaajiddu way ka fogtahay jaamacadaha marka waa dhibaato jirta.balse inta badan ardadu waxay samaysteen meelo lagu tukado oo guryaha la deggan yahay ah. halkaas ayaa salaadaha jimcada lagu tukadaaa laguna akhristaa Quraanka
4.Jaamacadaha oo aanan laheen sharciyo adag
Waxaa Jira in Jaamacaduhu aynan lahayn sharci adag oo ardayga laga cayrinaayo Jaamacadda hadii uu wax dhigan kari waayo, waxaa dhicikarta inay xisaabsadaan CREDITS oo arday maadooyin badan lagu laayahay uu iska socdo oo aan hoos loo celin ilaa laga gaarayo waqtiga Qalin jabista, taasi waa halis waayo ardaga aan xil kas ahayn oo aan is xilqaamin wuxuu ku tagi karaa dabacsanaanta sharciga Jaamacadda.
Waxaa jira arday aan xisadaha imaan oo Xisaddii oo khadyaan laga taagan yahay inay soo xaadiraan. oo iska jiifa xisaddii oo socota ardaydaas waxaa dhacda inay dhaqan u noqoto Goysmada Xisadaha.Maalinta Imtixaanka ardadu galayso waxaa dhacda inay dhamaan ardadu timaado, kii aan imaan jirin xiisada iyo kii imaan jiray iyada oo aanan cidna lahadleeyn.
Maalinta Imtixaanka la soo dhajiyo waxaad arkaysaa ardaygii aan imaan jirin oo kasaramaraya kii imaan jiray,taasna waxaaa sababta khashka oo aanan ardayga lagacelin.
La noollaanshaha bulsho aan dhaqan ahaan aad u kala fognahay :
Markii aynu Dalkeenna ku nooleyn, waxaan ku raaxeysan jirnay hab nolloleedkeena farxadda iyo wanaaga badnaa, sababtoo ah waxaan joognay halkaannu ku dhalanay, ku soo bar-baarnay, kuna garaadsanay. Waxay indhaheennu qabanayeen, dheggaheennu maqlayeen kaliya waxyaabo dhaqankeena ah oo la yaab badan aan nala noqoneyn
Taa badalkeeda, marka aan tagno dalalka shisheeye waxaa fajac iyo la yaab innagu noqda, dhaqammadda kala gedisan ee dalalkaasi ka jira. Dalkan china waxa ardayda soomaaliyeed ay kala kulmeen dhaqammo cajiiba oo casharro khibradeysan ay ka barteen.
Waxaa wadanka China ka jira Kalaabyo, Baararka,Shiishadda,Daroogada, Dhilaysiga waxyaalahaas oo dhan way ka jiraan marka ardaygu haddii uusan ahayn arday naftiisa ka adag waxyaabahaas way jiidan karaan.
Dadka Shiinuhu waa dad Khamriga caba oo aad u aaminsan Dhaqanka Khamri cabidda mana u arkaan ceeb waxay leeyihiin Taariikh dheer oo Khamri cabida ah, sidoo kale Khamrigu waa rakhiis meel kastana waa lagu gadaa.
Dhaqanka waxaa soo hoos galaya waxyaabo badan oo nolosha ku hareeraysan sida cuntadii, labiskii iyo waxyaabo badan oo nolosha bulsho meel ku nool la xariira. Waxyaabaha kale, Ma dhib badna, laakiin Sida Cuntada oo kale waa daruuri inaad la wadaagto oo aad cunto adigu Cunooyinka dadkan shiineyska ahi ay Dhaqanka u leeyihiin. Tani oo Ardada la qabsigeeddu uu ku adkaado intabadan marka ay dalkan ku cusub yihiin.
Talo ku socota ardada kabaxday iskoolada
Ardaygu waa in uu ka tashado ama ka baaraan daggo Kulliyaddii uu ku biiri lahaa ka hor inta aanu ku dhaqaaqin halkii uu ka baran lahaa Maadadaas uu doortay. Inta badan, Waannu sal fudud nahay, waxaa suurta gala in aan go’aansanno inaan jaamacadda tagno oo wax barano, laakiin eynaanba isweydiin waxaan baran doono, sida ku dhacdayba Inbadan oo innaga mid ah.
Marka aad wax baranayso waa muhiim inaad ku faraxsanaataa Maadada ama Kulliyadda aad dooratay, Laakiin Hadaad ku hamin jirtay inaad Dhaqtar noqoto oo aad gasho kulliyadda Injineerinka, Dabcan Inbadan kuma farax galin doonto falsafadani, Sababtoo ah Hamigaadii ayaad caqabad ku noqotay
Gunaanad
Ardada Soomaaliyeed ee china wax ka barata waxay mar walba dareenkooda la wadagaan Ummadda Soomaaliyeed mid farxadeed iyo mid murugaba waxayna marwalba ILLAH ka baryaan in Dalka Nabad noo noqdo Dadka quluubtoodana RABBI hagaajiyo, karaamadii sharaftii iyo midnimadii Somaliweyna soo laabato.
W/Q : Dr.Abdikafi Mohamed Garyare (Dr.garyare)
his facebook : Abdikafi Mohamed garyare
Wa bilaali towfiiq
Abdikafi mohamed garyare
China, jilin
+8615843332078