Quantcast
Channel: admin
Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

Puntland oo Degmo u aqoonsatay Dharkeyn Geeye oo ka tirsan Gobolka Sool, Daawo video ku saabsan horumarinta ka socota Degmada cusub

$
0
0


Golaha Wasiirada Puntland ayaa horey u ansixiyey in Degmo loo aqoonsado Dharkeyn Geeye oo ka tirsan Gobolka Sool ka dibna waxaa maanta ansixiyey Golaha Baarlamaanka Puntland.
Degmada Dharkayn Geeyo waxaa tartan la galay dhowr magaalo, iyada ayaana kaga guuleysatay ka dib markii waxyaabo badan la qaiimeeyey.
Degmada Dharkeyn Geeyo waxaa waayadaan dambe ka socdey horumarin ay qayb weyn ka qaateen Qurba joogta Kasoo jeeda Degmada iyo Hay’ada Isha Aid, waxaana laga hirgaliyey dhismayaal loogu tala galay Dugsi Hoose Dhexe iyo Isbitaal wayn oo loogu tala galay Deegaankaas oo dhan.

Baarlamaanka Puntland ayaa maanya si aqlabiyad ah ku meelmariyey Codsi ka yimid Golaha Wasiirada oo lagua ansixonayay degmadaan Cusub oo ku soo biirtey Deegaanada Puntland.

Hoos ka daawo video

video-gu wuxuu ka hadlayaa aadna ku arkaysaa heerka waxbarashada iyo dugsiga hoose dhexe ee laga hirgaliyey degmada dharkayn Geeyo, Waxaa mashaariicda suura galiyey Qurba joogta degmada ee ku nool daafaha dunida.
Puntlandi.com
Garowe


Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

Trending Articles