Quantcast
Channel: admin
Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

Dowlada Ingiriiska oo Beeralayda Qaadka ee Kenya u fidineysa Mashruuc Beerida Qaadka ay ugu badalanayaan beerida Galayda

$
0
0

Tan iyo markii dowlada Ingiriisku go’aansatay joojinta Qaadka ayaaKath4_HA_Hamburg_H_1080796b Dowlada Kenya cabasho badan soo gaarsiiyeen Dowlada Ingiriiska si aan loo joojin qaadka, hadaba dowlada Ingiriiska oo ay Kenya jawaab ka sugaysay in mudo ah ayay maanta u jawaabeen.

Jawaabtaasoo noqotay in go’aanka ay Dowlada Ingiriisku ka gaartey joojinta qaadka uga yimaada Kenya aan laga noqoneyn taas badalkeeda Kenya waxay heleysaa mashaariic ka imaya Ingiriiska kuwasoo lagu caawinayo Beeralaydka Kenya ee Qaadka beerta.

Mashaariicdaan Waxay u sahlayaan Beeralayda Qaadka iney beerohooda u badalaan beero caadiya oo ay kasoo go’aan cunada la cuno sida Galayda.

Joojinta Qaadka ee dalka Ingiriiska ayaa waxaa aad usoo dhaweyey Soomaalida ku nool guud ahaan Yurubta Galbeed oo qaadku fara kulul ku hayo bulshada dhexdeeda.

Wadamada Ingiriiska iyo Holland ayuu jaadku ka ahaa sharci ilaa Dalka Holan ay laba sano ka hor joojiyeen tasoo keentey in uu sare u kaco Qaadkii la keeni jirey dalka Ingiriiska.

Go’aanka ay Dowlada Ingiriisku ku joojineyso qaadka ayaa noqonaya talaabo wanaagsan oo mustaqbal wanaagsan u abuuraysa boqolaal Soomali ah oo qaadku nolol maalmeed u ahaa, wali si rasmi ah looma joojin laakiin waxaa la filayaa inuu dhowaan hirgalo sharciga manuucida Qaadka ee Dalka Ingiriiska.

Puntlandi.com
London


Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

Trending Articles